Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Rwanda, Sareeye Gaas Vincent Nyakarundi, intii uu ku sugnaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda.
Kulanka labada Taliye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada ciidan ee dhinacyada tababarrada, is-weydaarsiga khibradaha dagaalka iyo maamulka howlgalada dhulka, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada.













