Kulankan oo ka dhacay hoyga duqa Muqdisho ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo la xiriira howlaha maamulka Gobolka Banaadir, doorashooyinka iyo Siyaasadda guud ee Dalka.
Xildhibaannadii iyo masuuliyiintii ka qaybgalay kulanka ayaa si wadajir ah u amaanay dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ee ku aaddan dowlad-dhisidda, nabadeynta, iyo horumarinta dalka.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu taageeray hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ee dalka ka dhacaya, taas oo loo arko tallaabo muhiim u ah xoojinta hannaanka dimoqraadiyadeed ee Soomaaliya, iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee si toos ah u metela shacabka.
Intii lagu guda jiray kulanka, waxaa kaloo la isla qaatay in la xoojiyo midnimada umadda Soomaaliyeed, lana sii joogteeyo wadashaqeynta u dhaxeysa hay’adaha dowladda iyo shacabka, si dalka loogu hoggaamiyo nabad, cadaalad, iyo horumar waara.














