Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kulanka aan caadiga aheyn ee Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka oo kulanka furay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada la wadaagay warbixin kooban oo ku saabsan howlaha baaxadda leh ee horyaala Golaha Shacabka iyo sida ay laga maarmaanka u tahay in goluhu kalfadhiga todobaad xooga saaro ka shaqeynta shuruucda Golaha hortaala.
Ugu dambeyn, Habdhowraha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyey wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Saalim Caliyow Ibrow.














