‘Waxaan Magaaladda Oslo kulan kuwada qaadanay Xog-hayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Norway mudane Andreas Motzfeldt Kravik.
Waxaan kulankeenna diiradda ku saarnay la dagaalanka kooxaha argagixisadda iyo sida ay muhiim u tahay hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay islamarkaana wakhtigeedda ku dhacda, si looga hortago in dalkeenna Soomaaliya uu lugaha la galo hubanti la’aan hay’addaha dastuuriga ah, taasoo haddii aan laga heshiin arrimaha doorashooyinka abuuri karta xasillooni darro siyaaasadeed.
Ugu dambayn, waxaan dowladda Norway uga mahad-celiyay soo dhaweynta iyo dib u dejinta ay u sameysay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda, anigoo sidoo kale boggaadiyay gargaarka bini’aadanimo ee gudaha Soomaaliya ay ka wado iyo kaalinta ay ka qaadanayso dib u dhiska dowladnimadda soomaaliya’











