Kooxo hubeysan oo wata hub culus iyo qoryaha (RPG) ayaa Khamiistii weerar ku qaaday markab ganacsi oo marayay xeebaha Soomaaliya, sida ay tabinayaan wakaaladaha wararka caalamiga ah. Wararku waxay sheegayaan in kooxdu u daadatay markabka, iyaga oo u muuqda kuwo ujeedadoodu tahay afduub.
Xarunta howlgalada ganacsiga badda ee ciidamada Milatariga Britain ayaa soo saartay digniin ku saabsan weerarka, iyaga oo uga digay maraakiibta ku sugan aagga. Shirkadda ammaanka ee Ambrey ayaa xaqiijisay in weerarka uu socdo, lana beegsaday markab u socday Durban, Koonfur Afrika, kana soo safray Sikka, Hindiya, kuna socday calanka Malta.
Weerarka waxaa fuliyey koox hubeysan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo adeegsanaya doon kalluumaysi oo Iiraan laga leeyahay oo horey u afduubteen, si ay ugu adeegsadaan howlgaladooda. Markabkan waxaa la socday 24 shaqaale ah oo isku xiray qol badbaado, mana jirto koox ammaanka oo hubeysan oo la socota markabkan, taasoo u sahashay kooxdan inay fuulaan markabka.
Weerarkan ayaa ka dhacay meel 560 mayl Koonfur Bari ka xigta xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal. Warbixinada hore waxay sheegayaan in markabku ka marayay 1,000 km u jirta xeebaha Eyl, waxaana jira suragalnimada in kooxdan ay awoodeen inay fuulaan markabka iyaga oo adeegsanaya qoryaha daran-dooriga iyo RPG-ga.
Kooxo hubeysan oo ka howlgala xeebaha Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay dib u soo laabtay, iyadoo dhacdooyinkii ugu badnaa ay jireen sanadkii 2011.
Saraakiishu waxay ku boorinayaan Maraakiibta ganacsi ee ka maraysa xeebaha Soomaaliya inay qaataan taxaddar dheeri ah, iyadoo la faray inay isticmaalaan hababka ammaanka ee lagula taliyay, isla markaana la socdaan wararka iyo digniinaha ciidamada caalamiga. si loo yareeyo khatarta afduubka ama weerarrada kale.
isla markaana la socdaan digniinaha ammaanka ee lagu sii daayo aagga, si loo yareeyo khatarta afduubka ama weerarrada kale,Maraakiibta ganacsi ee ka maraysa xeebaha Soomaaliya waxaa ah ee ka howlgala aagga.










