• Advertise
  • About
  • Contact
Somali Cable TV
Your browser does not support the video tag.
Your browser does not support the video tag.
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
LIVE
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
No Result
View All Result
Somali Cable TV
LIVE
Home wararka caalamka

Turkiga oo soo saaray Amar soo qabasho Netanyahu

Somali Cable TV by Somali Cable TV
November 8, 2025
in wararka caalamka
0
Turkiga oo soo saaray Amar soo qabasho Netanyahu
0
SHARES
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Dowladda Turkiga ayaa soo saartay amar qabasho caalami ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo saraakiil sare oo ka tirsan dowladdiisa, iyagoo lagu eedeeyay dambiyo la xiriira xasuuq iyo dembiyo ka dhan ah bini’aadamnimada ee ka dhacay Marinka Gaza tan iyo bishii Oktoobar 2023. 

War ka soo baxay xafiiska dacwad-oogaha Istanbul ayaa lagu sheegay in liiska tuhmanayaasha uu ka kooban yahay 37 qof, oo ay ku jiraan Wasiirka Difaaca Israa’iil Israel Katz, Wasiirka Amniga Gudaha Itamar Ben-Gvir iyo Taliyaha Ciidanka Eyal Zamir.

Bayaan kasoo baxay dacwad-oogaha Turkiga ayaa lagu eedeeyay Israa’iil inay geysatay xasuuqyo iyo dembiyo bani’aadamnimo, iyadoo tusaale ahaan loo soo qaatay weerarkii 17-kii Oktoobar 2023 lagu qaaday isbitaalka al-Ahli, kaas oo sababay dhimashada 500 qof. Sidoo kale, waxaa lagu xusay in ciidammada Israa’iil ay si ula kac ah u burburiyeen qalab caafimaad 29-kii Febraayo 2024, isla markaana ay diideen gargaar bini’aadanimo in la gaarsiiyo dadka ku sugan Gaza.

Turkiga ayaa sheegay in sidoo kale la burburiyay isbitaalka “Turkish-Palestinian Friendship Hospital” oo ay Turkigu ka dhiseen gudaha Gaza, kaas oo Israa’iil duqeysay bishii Maarso. Dhanka kale, Israa’iil ayaa tallaabadaas ku tilmaantay “isku day sumcad raadis ah”, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Saar uu bartiisa X ku qoray in Israa’iil “si quursi leh u diidayo dhagarta cusub ee madaxweyne Erdogan.”

Ururka Xamaas ayaa soo dhaweeyay go’aanka Turkiga, isagoo ku tilmaamay “tallaabo geesinimo leh oo muujineysa daacadnimada shacabka iyo hoggaanka Turkiga.” Go’aankan ayaa imaanaya hal sano kadib markii Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ay sidoo kale soo saartay amar qabasho oo ka dhan ah Netanyahu iyo Wasiirkii Difaaca ee hore Yoav Gallant. 

Dagaalka Israa’iil ee Gaza ayaa illaa hadda sababay dhimashada in ka badan 68,875 Falastiiniyiin iyo dhaawaca 170,679 kale tan iyo bishii Oktoobar 2023.

Previous Post

Golaha Shacabka oo dood ka yeeshay Sharciga Kufsiga

Next Post

Taliye Odawaa oo xariga ka jaray Talis ciidan oo laga hirgaliyay magaalada Baraawe.

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISMENT

  • 23.9k Followers
  • 99 Subscribers
  • Trending
  • Latest
Guiding Somalia’s Youth to Real Opportunities

Guiding Somalia’s Youth to Real Opportunities

May 3, 2026
Waalid ahaan, su’aal kastaa waa su’aal wanaagsan

Waalid ahaan, su’aal kastaa waa su’aal wanaagsan

May 13, 2026
Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 13, 2026
Fursad Cusub: Somnet Telecom oo soo Kordhisay ‘Adeegga Mudnaan’

Fursad Cusub: Somnet Telecom oo soo Kordhisay ‘Adeegga Mudnaan’

April 21, 2026
Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

May 25, 2026
Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

May 25, 2026
Puntland oo Xasan Sheekh u aqoonsatay Madaxweyne hore

Puntland oo Xasan Sheekh u aqoonsatay Madaxweyne hore

May 21, 2026
Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 13, 2026

Wararkii ugu danbeyay

Follow Us

Browse by Category

  • advertise
  • Arr. Bulshada
  • Blog
  • Cayaaraha
  • Ganacsiga
  • maqaalo
  • Teknogiyada
  • wararka caalamka
  • wararka gudaha

Recent News

Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

May 25, 2026
Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

May 25, 2026
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable