Dowladda Turkiga ayaa soo saartay amar qabasho caalami ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo saraakiil sare oo ka tirsan dowladdiisa, iyagoo lagu eedeeyay dambiyo la xiriira xasuuq iyo dembiyo ka dhan ah bini’aadamnimada ee ka dhacay Marinka Gaza tan iyo bishii Oktoobar 2023.
War ka soo baxay xafiiska dacwad-oogaha Istanbul ayaa lagu sheegay in liiska tuhmanayaasha uu ka kooban yahay 37 qof, oo ay ku jiraan Wasiirka Difaaca Israa’iil Israel Katz, Wasiirka Amniga Gudaha Itamar Ben-Gvir iyo Taliyaha Ciidanka Eyal Zamir.
Bayaan kasoo baxay dacwad-oogaha Turkiga ayaa lagu eedeeyay Israa’iil inay geysatay xasuuqyo iyo dembiyo bani’aadamnimo, iyadoo tusaale ahaan loo soo qaatay weerarkii 17-kii Oktoobar 2023 lagu qaaday isbitaalka al-Ahli, kaas oo sababay dhimashada 500 qof. Sidoo kale, waxaa lagu xusay in ciidammada Israa’iil ay si ula kac ah u burburiyeen qalab caafimaad 29-kii Febraayo 2024, isla markaana ay diideen gargaar bini’aadanimo in la gaarsiiyo dadka ku sugan Gaza.
Turkiga ayaa sheegay in sidoo kale la burburiyay isbitaalka “Turkish-Palestinian Friendship Hospital” oo ay Turkigu ka dhiseen gudaha Gaza, kaas oo Israa’iil duqeysay bishii Maarso. Dhanka kale, Israa’iil ayaa tallaabadaas ku tilmaantay “isku day sumcad raadis ah”, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Saar uu bartiisa X ku qoray in Israa’iil “si quursi leh u diidayo dhagarta cusub ee madaxweyne Erdogan.”
Ururka Xamaas ayaa soo dhaweeyay go’aanka Turkiga, isagoo ku tilmaamay “tallaabo geesinimo leh oo muujineysa daacadnimada shacabka iyo hoggaanka Turkiga.” Go’aankan ayaa imaanaya hal sano kadib markii Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ay sidoo kale soo saartay amar qabasho oo ka dhan ah Netanyahu iyo Wasiirkii Difaaca ee hore Yoav Gallant.
Dagaalka Israa’iil ee Gaza ayaa illaa hadda sababay dhimashada in ka badan 68,875 Falastiiniyiin iyo dhaawaca 170,679 kale tan iyo bishii Oktoobar 2023.










