• Advertise
  • About
  • Contact
Somali Cable TV
Your browser does not support the video tag.
Your browser does not support the video tag.
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
LIVE
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
No Result
View All Result
Somali Cable TV
LIVE
Home wararka gudaha

Golaha Shacabka oo dood ka yeeshay Sharciga Kufsiga

Somali Cable TV by Somali Cable TV
November 8, 2025
in wararka gudaha
0
Golaha Shacabka oo dood ka yeeshay Sharciga Kufsiga
0
SHARES
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod u qaaday Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda, waxaana ogolaatay 154 Xildhibaan sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo natiijadda codeynta ku dhowaaqay..

Sidoo kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada kale oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul, waxaana warbixinta akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedkan Golaha u akhriyey Wasiiru Dowlaha wasaaradaasi Mudane Maxamed Cusmaan Naastaro.

Maadaama hindise sharciyeedka uu marayey Akhrinta koowaad kama furneyn wax dood ah sida uu qabo xeerhoosaadka Golaha, sidaasi daraadeed Xildhibaano Golaha ka tirsan ayaa dhowr su’aalood oo ku saabsan mabaadii’da guud ee hindise sharciyeedkan, inuu waafaqsanyahay shareecada Islaamka iyo dastuurka, saameynta miisaaniyadeed ee uu leeyahay iyo sidoo kale muhiimadda uu dalka u leeyahay weydiiyey wasiiru dowlaha.

Dhinaca kale mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyey warbixinta akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka Dib U eegista Sharciga la dagaalanka Burcad-badeedka iyo ka hortaga Afduubka Sharci LR.36 ee soo baxay 30-kii April, sanadkii 1975-kii.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Hindise Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada kale uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka iyo dadka islamarkaana uu ka mid yahay shuruucda bulshada Soomaaliyeed waxtarka u leh.

Previous Post

“Hal-Milyan oo qof ayey saameysay Abaarta ku dhuftay Puntland”

Next Post

Turkiga oo soo saaray Amar soo qabasho Netanyahu

Somali Cable TV

Somali Cable TV

Next Post
Turkiga oo soo saaray Amar soo qabasho Netanyahu

Turkiga oo soo saaray Amar soo qabasho Netanyahu

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISMENT

  • 23.9k Followers
  • 99 Subscribers
  • Trending
  • Latest
Guiding Somalia’s Youth to Real Opportunities

Guiding Somalia’s Youth to Real Opportunities

May 3, 2026
Waalid ahaan, su’aal kastaa waa su’aal wanaagsan

Waalid ahaan, su’aal kastaa waa su’aal wanaagsan

May 13, 2026
Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 13, 2026
Fursad Cusub: Somnet Telecom oo soo Kordhisay ‘Adeegga Mudnaan’

Fursad Cusub: Somnet Telecom oo soo Kordhisay ‘Adeegga Mudnaan’

April 21, 2026
Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

May 25, 2026
Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

May 25, 2026
Puntland oo Xasan Sheekh u aqoonsatay Madaxweyne hore

Puntland oo Xasan Sheekh u aqoonsatay Madaxweyne hore

May 21, 2026
Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 13, 2026

Wararkii ugu danbeyay

Follow Us

Browse by Category

  • advertise
  • Arr. Bulshada
  • Blog
  • Cayaaraha
  • Ganacsiga
  • maqaalo
  • Teknogiyada
  • wararka caalamka
  • wararka gudaha

Recent News

Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

May 25, 2026
Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

May 25, 2026
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable