Mdaxaweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah u furay madasha arrimaha Bini’aadanimo ee Soomaaliya oo lagu qabanayo magaalada Jowhar.
Shirka ayaa ah fursad muhiim ah oo lagu mideeyo dadaallada gargaarka, laguna xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha samafalka, dowladda dhexe, iyo dowlad-goboleedyada, si loo xaqiijiyo in jawaabta bini’aadanimo ee dalka ay noqoto mid waafaqsan baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.
















