Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir ayaa xilka ka qaaday mid ka mid ah ku-xigeennadiisa oo la yiraahdo Benjamin Bol Mel, oo loo arkayay musharrax suuragal ah oo beddeli kara. Salva Kiir ayaa sidoo kale ka qaaday darajadii uu ciidan ahaan u hayay ee Jeneraalnimo, isagoo sidoo kale xilka ka qaaday guddoomiyihii Bangiga Dhexe iyo madaxa Hay’adda Canshuuraha, Labaduba waxa la rumeysan yahay inay ahaayeen saaxiibbo ku dhow ninka xilka laga qaaday.
Go’aankan lama sheegin sabab rasmi ah oo ka dambeysa, balse waxaa lagu shaaciyay wareegto lagu baahiyay telefishanka dowladda, taas oo muujineysa in isbeddel siyaasadeed oo ballaaran uu ka socdo xafiiska madaxweynaha.
Falkaani wuxuu abuuray su’aalo badan oo ku saabsan jihada cusub ee hoggaanka Koonfurta Suudaan.
Xilka qaadista ayaa timid xilli dalka ay ka taagan yihiin cabsi ku saabsan dib u soo laabashada dagaal sokeeye, kadib markii uu burburay heshiiskii awood-qaybsiga ee u dhexeeyay Madaxweyne salva Kiir iyo mucaaradkiisa Riek Machar.
Khubarada siyaasadda ayaa ka digaya in tallaabooyinkan ay sii hurin karaan xiisadda siyaasadeed ee haatan taagan, taas oo khatar gelin karta xasilloonida dalka ugu yar Bariga Afrika.












