Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyay, shir lagu gorfeynayey dhammaystirka hawlaha doorashooyinka Dowladaha Hoose ee dhawaan dalka ka qabsoomi doona.
Shirka oo ay ka qeyb galeen wasiirrada wasaaradaha sida tooska ah ula falgala hawsha doorashooyinka, ayaa waxaa lagu dhageystay warbixin ay soo jeediyeen Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, iyada oo Guddoomiyaha guddiga, Mudane Cabdixakiim Axmed Xasan, uu sheegay in hawshu ay meel wanaagsan marayso, lana diyaariyey dhammaan adeegyadii loo baahna, si loo qabto doorashada.










