Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo magaalada Dhuusamareeb uga qeybgalay kulan su’aalo weydiin ahaa oo diirrada lagu saaray marxalada dowlad-dhiska Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga jawaabay Su’aalo bulshada is weydiineyso oo la xirira khilaafka hareeyay dowladnimada Soomaaliya,Sheekh Shariif oo ka sheekeeyay marxaladii dowlad-dhiska dalka tan iyo xornimadii dalka ayaa soo hadal qaaday marxalada Siyaasiga ee maanta dalka kujiro.
Waxa uu kahadlay doorashadii golaha deegaanka ee laga qabtay Gobolka Banaadir 25-December 2025, isagoo soo qaatay cabashada ay qabaan Siyaasiyiint ka qeybgalay doorashaddaasi oo uu kamid yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan.
“Shariif Xasan Sheekh Aadan waan ka celin weynay doorashada, waxaan dhahnay ha u camirin Muqdisho doorasho kama jirto, maanta waad aragtaan isaga ayaa qeylinaya”










