• Advertise
  • About
  • Contact
Somali Cable TV
Your browser does not support the video tag.
Your browser does not support the video tag.
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
LIVE
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
No Result
View All Result
Somali Cable TV
LIVE
Home Barnaamijyada Arr. Bulshada

Waalid ahaan, su’aal kastaa waa su’aal wanaagsan

Somali Cable TV by Somali Cable TV
May 13, 2026
in Arr. Bulshada, wararka gudaha
0
Waalid ahaan, su’aal kastaa waa su’aal wanaagsan
0
SHARES
72
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Noqoshada waalid waa mid ka mid ah farxadaha ugu waaweyn ee nolosha, laakiin sidoo kale waxay keeni kartaa su’aalo badan.
Laga bilaabo uurka ilaa diyaarinta ilmahaaga dugsiga, marxalad kasta oo waalidnimada hore ah waxay la imaan kartaa go’aanno cusub iyo hubanti la’aan: Waxaan uur leeyahay, maxaan marka hore sameeyaa? Ma quudinayaa ilmahayga cuntada saxda ah? Ma heli karaa taageero dhaqaale oo ku saabsan xannaanada carruurta? Sideen uga caawin karaa ilmahayga inuu isku diyaariyo dugsiga?

Qoysas badan oo ka tirsan bulshadeenna, waalidnimadu waa waayo-aragnimo wadaag ah. Talooyin badanaa waxay ka yimaadaan waalidiin, awoowayaal, eedooyin iyo saaxiibo. Inkastoo taageeradani ay qiimo weyn leedahay, haddana mararka qaar waxay waalidiinta ku abuuri kartaa jahawareer marka dad kala duwan ay bixiyaan talooyin kala duwan.

Runta ayaa ah in waalidiin badan ay maalin kasta la tacaalayaan su’aalahan.

Taasi waa sababta website-ka Best Start in Life uu hal meel ugu uruuriyey macluumaad iyo talooyin ka socda NHS iyo dowladda — si uu uga caawiyo qoysaska inay helaan macluumaad lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan uurka, quudinta carruurta, xannaanada carruurta iyo diyaarinta ilmahooda dugsiga.

Bilaabista safarka uurkaaga

Haddii aad hadda ogaatay inaad uur leedahay, tallaabada ugu horreysa waa inaad qabsato ballantaada ugu horreysa ee umulisada (midwife). Tan waxaa loo yaqaan “booking appointment” waana inay dhacdaa ka hor intaadan gaarin 10 toddobaad oo uur ah haddii ay suurtagal tahay. Si tan loo sameeyo, waxaad internetka uga gudbin kartaa codsi toos ah adeegga umulinta ee deegaankaaga. Kadib waxay kula soo xiriiri doonaan si ay kuu siiyaan ballantaada ugu horreysa una bilaabaan daryeelka uurkaaga.

Haddii aad hore uga badan tahay 10 toddobaad oo uur ah oo aadan weli qabsan ballantan, wali ma daahin. Weli waad isdiiwaangelin kartaa, adeegga umulintuna wuxuu kaa caawin doonaa inaad hesho daryeelka aad xaqa u leedahay.

Website-ka Best Start in Life sidoo kale wuxuu bixiyaa hagitaan toddobaad-toddobaad ah oo ku saabsan sida loo yeesho uur caafimaad leh, oo ay ku jiraan cuntada, jimicsiga iyo waxa laga filan karo ballamaha caafimaadka. Waxa kale oo aad iska diiwaangelin kartaa emayllo toddobaadle ah oo ku siinaya talooyin ku habboon muddada uurkaaga iyo ilaa ilmahaagu gaarayo 4 sano jir.

Dr. Nadira Ali, dhakhtar NHS ah – GP, ayaa sheegtay:
“Samaynta wixii aad awooddo si aad u yeelato uur caafimaad leh waxay ilmahaaga siinaysaa bilow wanaagsan oo nolosha ah, isticmaalka ilaha lagu kalsoon yahay ee Best Start for Life iyo emayllada hagista toddobaadlaha ahna waxay bixin karaan taageero iyo kalsooni. Waxaan ognahay in qaar ka mid ah haweenku ay dareemi karaan walwal muddadan sababtoo ah sheekooyin ay maqleen ama waayo-aragnimo hore. Taasi waa sababta NHS ay si dhow ula shaqaynayso bulshooyinka si ay u fahmaan baahiyaha dhaqanka una hubiyaan in haweeney kasta ay dareento badbaado, xog ogaalnimo iyo taageero inta lagu jiro daryeelkeeda.”

Bilaabista cunnooyinka adag ee ilmaha (Weaning)

Marka ilmaha loo bilaabayo cunno adag isagoo sii koraya waxay u muuqan kartaa tallaabo weyn, waana wax caadi ah in waalidiintu yeeshaan su’aalo badan oo ku saabsan sida iyo goorta loo bilaabayo iyo cuntooyinka ku habboon. NHS waxay ku talinaysaa in la sugo ilaa ilmahaagu gaarayo qiyaastii 6 bilood ka hor inta aan la siin cunno adag, iyadoo lala sii wado caanaha naaska ama formula-da.

Weaning-ku wuxuu ku saabsan yahay in ilmaha loo baro cuntooyin kala duwan iyo inuu la qabsado dhadhan iyo qaabab kala duwan oo cunto ah — sidaas darteed waa caadi haddii ay qaadato dhowr isku day.

Cuntooyin badan oo qoyska la cuno ayaa loo diyaarin karaa ilmaha iyadoo la shiidayo ama la jilcinayo — laakiin waa muhiim inaan lagu darin milix ama sonkor. Waxaa sidoo kale jira cuntooyin ay tahay in ilmaha laga ilaaliyo, sida malabka ka hor da’da hal sano.

Hagitaan ku saabsan cuntooyinka lagu bilaabayo, kuwa la iska ilaalinayo iyo fikrado cuntooyin ah oo loogu talagalay weaning-ka, booqo qaybta Best Start in Life Weaning Hub.

Dr. Nadira Ali, dhakhtar NHS ah – GP, ayaa sheegtay:
“Inta badan cuntooyinka aad caadaysatay inaad guriga ku cuntaan waa meel wanaagsan oo laga bilaabo marka ilmahaagu gaaro 6 bilood — cuntooyinka jilicsan waa la shiidi karaa ama la burburin karaa, waxaana si tartiib tartiib ah loogu baran karaa dhadhan kala duwan oo ay ku jiraan xawaashyo fudud.”

Waxbarashada hore iyo xannaanada carruurta

Xannaanada carruurta ee rasmiga ahi waxay ka caawin kartaa carruurta inay yeeshaan kalsooni, xirfadaha isgaarsiinta iyo saaxiibtinimo. Waxay sidoo kale waalidiinta siisaa dabacsanaan dheeraad ah oo ay ugu shaqeeyaan ama ugu helaan waqti hawlo kale oo muhiim ah.

Iyadoo ku xiran da’da ilmahooda, waalidiintu waxay xaq u yeelan karaan ilaa 30 saacadood oo xannaano carruur ah oo ay dowladda maalgeliso toddobaad kasta muddo 38 toddobaad sanadkii. Tani waxay qoyska u badbaadin kartaa celcelis ahaan £8000 oo kharashka xannaanada carruurta ah.

Si aad u ogaato waxa aad xaqa u leedahay iyo sida loo codsado, booqo Best Start in Life.

Talooyin, dhammaantood hal meel

Waalidnimadu waxay la timaadaa su’aalo badan — taasina waa wax gabi ahaanba caadi ah.

Sababtoo ah markaad waalid tahay, su’aal kastaa waa su’aal wanaagsan.

Wax badan ka ogow beststartinlife.gov.uk.

Previous Post

Koonfur Galbeed oo laga qabtay Doorasho qof iyo cod ah

Next Post

Kulan ka dhacay Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo looga hadlay amniga Baydhabo.

Somali Cable TV

Somali Cable TV

Next Post
Kulan ka dhacay Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo looga hadlay amniga Baydhabo.

Kulan ka dhacay Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo looga hadlay amniga Baydhabo.

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISMENT

  • 23.9k Followers
  • 99 Subscribers
  • Trending
  • Latest
Guiding Somalia’s Youth to Real Opportunities

Guiding Somalia’s Youth to Real Opportunities

May 3, 2026
Waalid ahaan, su’aal kastaa waa su’aal wanaagsan

Waalid ahaan, su’aal kastaa waa su’aal wanaagsan

May 13, 2026
Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 13, 2026
Fursad Cusub: Somnet Telecom oo soo Kordhisay ‘Adeegga Mudnaan’

Fursad Cusub: Somnet Telecom oo soo Kordhisay ‘Adeegga Mudnaan’

April 21, 2026
Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

May 25, 2026
Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

May 25, 2026
Puntland oo Xasan Sheekh u aqoonsatay Madaxweyne hore

Puntland oo Xasan Sheekh u aqoonsatay Madaxweyne hore

May 21, 2026
Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 13, 2026

Wararkii ugu danbeyay

Follow Us

Browse by Category

  • advertise
  • Arr. Bulshada
  • Blog
  • Cayaaraha
  • Ganacsiga
  • maqaalo
  • Teknogiyada
  • wararka caalamka
  • wararka gudaha

Recent News

Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

May 25, 2026
Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

May 25, 2026
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable