Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan looga hadlayo xaqiijinta Amniga Magaalada Baydhabo la yeeshay hogaamiyaha Kumeel gaarka ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Jabriil Cabdirashiid Xaaji.
Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlayay Dardargalinta Howlgalada ka dhan ah Alshabaab iyo adkeynta Amniga Magaalada Baydhabo.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa degaanada Koonfurgalbeed ka wada sidii loo dardargalin lahaa howlgal ka dhan ah Alshabaab.










