War-saxaafadeed kasoo baxay taliska boliiska Puntland ayaa lagu shaaciyay xogta la wareegista saldhigaasi, iyadoona la sheegay in xerada ay ku sugnaayeen maleeshiyaad daacad u ahaa dowladda Federalka Soomaaliya.
WAR-SAXAAFADEED:
Carmo, Agoosto 08, 2026: Dawladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay talis ciidan oo ku yaalla magaalada Carmo, kaas oo ay hore u deggenaayeen maleeshiyaad hubaysan kuwaas oo degaannada Puntland ka waday falal lagu khal-khalgalinaayo amniga iyo xasiloonida bulshada.
La wareegista taliska ayaa qayb ka ah tallaabooyinka ay Dawladda Puntland ku xaqiijinayso amniga, kala dambeynta iyo awoodda hay’adaha dowliga ah ee deegaannada Puntland.
Ciidamada Puntland ayaa si buuxda ula wareegay xarunta, waxaana la xaqiijiyey amnigeeda iyo maamulka goobta, iyadoo la faray dhammaan dhinacyada hubaysan inay u hoggaansamaan hay’adaha sharciga ah ee Dawladda Puntland.
Dawladda Puntland waxay caddeyneysaa inay sii wadi doonto tallaabooyinka lagu xoojinayo amniga iyo ilaalinta shacabka, iyadoo dhammaan hawlgallada lagu fulinayo si waafaqsan sharciga iyo Dastuurka Puntland











