Warbixin cusub oo ay qoreen Zekarias Beshah iyo Solomon Ayele Dersso oo ka tirsan Amani Africa ayaa sheegtay in dalalka ciidamada ku biiriya Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ay u baahan yihiin inay si gaar ah ugu diyaar garoobaan xaaladda ka dhalan karta dhammaadka howlgalka iyo bixitaanka ciidamada AUSSOM ee Soomaaliya.
Qorayaashu waxay sheegeen in khatarta ugu weyn ay tahay dhammaadka howlaha Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS) bisha December 2026, kadib markii Mareykanku sheegay inuusan taageeri doonin sii socoshada UNSOS marka uu dhammaado waqtiga loo oggolaaday inuu taageero dhinacyada saadka iyo adeegyada loojistikada ee AUSSOM.
Arrintan ayaa si weyn looga hadlay shirkii aan caadiga ahayn ee dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM iyo dowladda Soomaaliya, kaas oo lagu qabtay Kampala, Uganda, 29-ka illaa 31-ka July. Shirkan waxaa ka qeybgalaya madaxda Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya, Masar, Kenya iyo Uganda, kuwaas oo dhammaantood ciidamo ku biiriya howlgalka.
Shirku wuxuu soo jeediyay in la sameeyo hannaan mideysan oo taageero iyo saadka howlgalka ah, kaas oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u fasaxo inuu shaqeeyo muddo u dhexeysa 18 iyo 24 bilood. Ujeeddadu waxay tahay in la xoojiyo ciidamada Soomaaliya isla markaana si tartiib ah loogu wareejiyo mas’uuliyadda amniga.
Hase yeeshee, Amani Africa waxay sheegtay in qorshahaasi uu wajahayo caqabado waaweyn, maadaama aysan weli caddayn halka laga heli doono dhaqaalaha iyo taageerada saadka ee loo baahan yahay. Arrintan ayaa sii adkaanaysa maadaama Mareykanka, oo ka mid ahaa ilaha ugu muhiimsan ee taageerada, uu sheegay inuusan sii wadi doonin taageerada UNSOS dhammaadka sanadkan.
Dalalka ciidamada ku biiriya howlgalka AUSSOM ayaa sidoo kale isku raacay in la sameeyo guddi shaqo oo wadajir ah, kaas oo raadin doona maalgelin joogto ah iyo taageero caalami ah, oo ay ku jirto qabashada shir deeq-bixiyeyaasha ah.
Qorayaashu waxay ka digeen khatar cusub oo ah in la waayo guulihii laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, maadaama dadaallo hore oo lagu raadinayay dhaqaale dheeraad ah aysan soo saarin natiijo ku filan. Tusaale ahaan, kulan dhaqaale oo lagu qabtay New York bishii September 2025 ayaa lagu ururiyay ku dhowaad $44 milyan oo keliya, taas oo aad uga yar baahida howlgalka.
Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya uu caqabad ku yahay qorshaha wareejinta mas’uuliyadda amniga oo loo gudbinayo ciidamada Soomaaliyeed marka ay dalka ka baxaan ciidamada AUSSOM.
Xiriirka dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada ayaa xumaaday, iyadoo Puntland iyo Jubaland ay hakad geliyeen wada shaqeyntii ay la lahaayeen dowladda dhexe. Khilaafaadka ku saabsan wax-ka-beddelka dastuurka iyo doorashooyinka ayaa sidoo kale sii kordhiyay xiisadda siyaasadeed.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa intii uu ka hadlayay shirkii Kampala ka hor yimid in arrimaha siyaasadda gudaha Soomaaliya lagu daro bayaanka shirka, isagoo sheegay in arrimahaasi yihiin kuwo Soomaaliya u gaar ah oo ay Soomaalidu xallinayso.
Amani Africa waxay ku doodday in meesha laga saaro qodobka siyaasadda Soomaaliya ay wiiqday fursaddii dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM ay uga faa’iidaysan lahaayeen arrintaas sidii ay taageero caalami ah ugu heli lahaayeen howlgalka.
Qorayaashu waxay ka digeen in qorshaha 18 ilaa 24-ka bilood ah laga yaabo inuusan hirgelin haddii aan la helin dhaqaale iyo saadka loo baahan yahay.
Waxay soo jeediyeen in haddii qorshahaasi fashilmo, la diyaariyo qorshe kala-guur ah oo gaaban, oo u dhexeeya lix iyo 12 bilood, kaas oo AUSSOM si nidaamsan loogu soo afjari karo, iyadoo la sameynayo hannaan cusub oo ay ku jiraan taageero amni oo laba-geesood ah oo Soomaaliya la siiyo.
Ugu dambayn, warbixintu waxay sheegtay in maadaama shirkii Kampala iyo wadatashiyada Midowga Afrika aysan soo saarin qorshe mideysan oo loogu diyaar garoobayo xaaladda kala-guurka ah, dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM ay hadda qasab ku tahay inay mid kasta samaysto qorshe u gaar ah oo uu ciidankiisa uga soo saaro Soomaaliya, si looga fogaado jahawareer ama burbur lama filaan ah oo ku yimaada howlgalka bisha December 2026.










