Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan is-xogwareysi ah kula qaatay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed.











