Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay mashruuca weyn ee dhaqaalaha loo dhanyahay ee Baxnaano ayaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, xubno kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda iyo bulshada rayidka ayaa ka qeybgalay xaflada Barnaamijka dhaqaalaha loo dhan yahay, waxaana lasoo bandhigay Kun arday oo ka qalin jabisay mashruucan.
Munaasabadan waxaa lagu soo bandhigay ahmiyada Barnaamijka dhaqaalaha loo dhanyahay ee Baxnaano,fursadaha dhalinyarada ee Kujira Barnaamijka iyo kobaca xirfadaha shaqo ee dhalinyarada.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in Talaabo weyn oo Taariikhi ah la qaaday, isagoo sheegay inay soo bandhigeen fursado dhalinyarada ka saaraya shaqo la’aanta.
















