Hawlgalka caalamiga ah ee taageeraya amniga Soomaaliya ayaa wajahaya caqabado dhaqaale oo culus, kaddib markii saaxiibada caalamiga ah ay soo saareen baaq degdeg ah oo ku aaddan in la helo dhaqaale lagu sii wado taageerada Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed.
Saaxiibada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Midowga Yurub, Turkiga, Itoobiya, Kenya, Qatar, Uganda, Jabuuti iyo dalal kale, ayaa ka digay in hoos-u-dhac dhaqaale oo ka jira Sanduuqa Taageerada Ciidamada Ammaanka (SSF Trust Fund) uu khatar gelin karo howlgalka hadda socda, xilli sanadkii koowaad ee hawlgalkaasi uu gabaabsi yahay.
Sanduuqan ayaa ah laf-dhabarta bixinta taageerada nolosha ee aasaasiga ah ee la siiyo ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka qayb qaata howlgallada wadajirka ah ee lala fuliyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Taageeradaasi waxaa bixisa Qaramada Midoobay, iyada oo loo marayo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee soomaaliya UNSOS.
Inkasta oo dhaqaale-xaddidaad jirto, UNSOS ayaa weli awood u yeelatay in ay bixiso taageerada ugu yar ee lagama maarmaanka ah, taas oo ay ka mid yihiin 540 tan oo raashin ah bil walba, 180 kun oo litir oo shidaal ah, iyo adeegga gurmadka caafimaadka cirka ee 24-ka saac shaqeeya. Dhammaan arrimahaasi waxay ku kacayaan ku dhawaad 1.2 milyan oo doolar bishii, halka taageerada buuxda ee waajibaadka hawlgalka ay gaareyso 2.3 milyan oo doolar bishii.
Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen saaxiibada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in taageerada la qorsheeyay ay sidoo kale daboolayso gaadiid, isgaarsiinta, qalabka difaaca, teendhooyinka saldhigyada hore iyo adeegyo kale oo muhiim ah, kuwaas oo qaar badan laga iibiyo ganacsatada Soomaaliyeed si loo dhiirrigeliyo dhaqaalaha gudaha iyo lahaanshaha qaranka.
Digniintan ayaa imanaysa xilli Qaramada Midoobay ay isu diyaarinayso cusboonaysiinta oggolaanshaha hawlgalka dhammaadka bishan. Sida ku xusan qorshaha hawlgalka, wareejinta ciidamadii ATMIS una guuray AUSSOM ayaa markii hore lagu waday in la dhammaystiro Juun 2025, balse waxaa dib loo dhigay lix bilood kaddib go’aan ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika.
Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, El Hadji Ibrahima Diene, ayaa sheegay in hawlgalka lagu jiro marxalad dib-u-habayn ah, islamarkaana la cusboonaysiinayo qorshaha bixitaanka, iyada oo lala tashanayo Dowladda Soomaaliya iyo QM
Si kastaba ha ahaatee, khubaro ayaa ka digaya in haddii aan la helin dhaqaale joogto ah, Midowga Afrika laga yaabo inuu dib u eego qorshihii bixitaanka ee la saadaalinayay dhammaadka sanadka 2029.
Dhaqaale-yarida jirta ayaa durba saameyn ku yeelatay ciidamada, iyadoo askar badan aysan helin gunnooyinkoodii muddo ka badan hal sano iyo bar.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa hore u sheegay in xaaladdani ay tahay mid aan la aqbali karin, isagoo xusay in maalgelinta hawlgalku ay si toos ah ula xiriirto la-dagaallanka Al-Shabaab, ilaalinta dadka rayidka ah, gaarsiinta gargaarka bani’aadamnimo, iyo sugidda amniga doorashooyinka soo socda.
Iyadoo Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika uu toddobaadkan arrintan ka doodayo, Ayaa maanta oo Arbaco ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika uu kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda Soomaaliya. Kulanka maanta ayaa diiradda lagu saaray horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo qiimeyn lagu sameeyay howlaha Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), gaar ahaan dhinacyada amniga iyo maaliyadda.
Intii uu socday kulanka, Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika ayaa si qoto dheer u falanqeeyay caqabadaha amni iyo kuwa siyaasadeed ee dalka, iyagoo isla qiray in xaaladda dhaqaale ee hawlgalka AUSSOM ay tahay mid adag oo u baahan xal degdeg ah oo waara.
Safiirka Aljeeriya u qaabilsan Midowga Afrika, Maxamed Khaalid, ayaa mar kale adkeeyay taageerada joogtada ah ee dalkiisa u hayo xasilloonida Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay maalgelin la isku halleyn karo si ay dowladda Soomaaliya ugu suuragasho inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga. Golaha ayaa sidoo kale la filayaa inuu soo saaro bayaan rasmi ah oo tilmaamaya jihada mustaqbalka ee hawlgalka AUSSOM.










