Qaraar kasoo baxay dowladda Soomaaliya 12-kii Janaayo ee sanadkan 2026 waxaa lagu laalay dhamaan heshiisyadii dowladda Imaaraadka Carabta ay kula jirtay dowladda Soomaaliya.
Heshiisyadan la baabi’iyay waxaa qeyb ka ahaa dhinacyada difaaca aiyo amniga, waxaana uu si gaar ah u taabanayay taageero dhanka ciidanka oo ay imaaraadka siin jireen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Waxaa la sheegay in Imaaraadka uu bixin jiray kabka mushaarka ciidamo ka tirsan xoogga dalka, si gaar ah ciidanka Boliis Milataaro.
Tan iyo markii uu xumaaday xiriirkii Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya waxaa su’aal leyska weydiiyay cida la wareegeysa kaalintii taageero ee Imaaraadka oo ay ugu weyn tahay dhanka ciidanka.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashandhiga Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo la hadlay Somali Cable TV ayaa ka jawaabay Su’aasha ah cida la wareegeysa booskii ay ka baxeen Imaaraadka ee taageerada ciidanka Soomaaliya?









