Munaasabaddan oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, wakiillo ka socday bulshada rayidka, iyo boqollaal qof oo diyaar u ahaa qaadashada kaararka cod-bixinta.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa amaan iyo bogaadin u jeediyay shacabka caasimadda ee waqtigooda u huraya gudashada xuquuqdooda dastuuriga ah. Waxa uu ku dhiirrigeliyay in aan loo kala harin qaadashada kaararka, sida ay si wadajir ah ugu soo baxeen is-diiwaangelintii hore.
Duqa Muqdisho ayaa shacabka caasimadda ku sifeeyay dad u diyaarsan dowladnimo dhab ah, kuwaas oo “dhegaha ka furaystay danleyda siyaasadeed ee aan masiirkooda ka shaqaynayn.” Waxa uu ku adkeeyay in muwaadin kasta uu xaq u leeyahay doorashada qofka iyo xisbiga uu u arko inuu meteli karo, isagoo ku boorriyay inay si miyir leh u kala doortaan danleyda iyo daryeelayaasha masiirka ummadda Soomaaliyeed.













