Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (GMXIQ), Dr Maryam Qasim, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka, Xubnaha Guddiga iyo Agaasimaha Guud, ayaa kulan wadajir ah la yeeshay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyaha Guud si ay uga wada hadlaan iskaashiga ku saabsan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, adkaynta ku dhaqanka sharciga, iyo xoojinta garsoor hufan oo wax-ku-ool ah.
Doodaha ayaa diiradda lagu saaray kaalinta muhiimka ah ee hay’adaha garsoorku ku leeyihiin ilaalinta xuquuqaha dastuuriga ah, dhowrista habraacyada caddaaladeed, madaxbannaanida garsoorka, isla xisaabtanka, iyo xoojinta kalsoonida dadweynaha ee ku aaddan nidaamka caddaaladda ee dalka.
Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqayn wax ku ool ah oo dhexmarta Garsoorka, Xeer Ilaalinta iyo Guddiga. Si gaar ah waxa diiradda loo saaray arrimaha la xiriira xaqiijinta maxkamadeyn caddaalad ah, hagaajinta xaaladaha xabsiyada iyo maxaabiista, ilaalinta qaybaha bulshada ee ku jira xaalad nuglaansho ah, iyada oo la raacayo Dastuurka Soomaaliya, heshiis goboleedyada iyo kuwa caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha oo ay Soomaaliya qayb ka tahay, sida UDHR, ICCPR, CAT iyo Axdiga Afrika ee Xuquuqda Aadanaha.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada shaqaynta iyo wada hadallada hay’adaha dowladda, si loo taageero isla xisaabtanka, ku dhaqanka sharciga, iyo dhismaha dhaqan xuquuqda aadanaha ku dhisan oo lagu kalsoonaan karo, iyada oo la dhowrayo madaxbannaanida iyo waajibaadka gaarka ah ee hay’ad kasta.
Sidoo kale, Guddigu waxa ay kulan noocaan oo kale ah dhawaan la yeesheen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo saraakiisha sare ee ciidanka. Hay’adahan waxaa saaran masuuliyad muhiim ah oo ku saabsan ilaalinta xuquuqda aadanaha, sugidda amniga guud, maamulka caddaaladda, iyo dhowrista xorriyadaha aasaasiga ah.
Gudigu waxa uu mar kale adkeeyay waajibaadkiisa dastuuriga ah ee la xiriira la socodka u hoggaansanaanta waajibaadyadaas, la shaqaynta hay’adaha dowladda, iyo horumarinta isla xisaabtanka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. Sidoo kale, Hoggaanka Guddigu waxa ay bogaadisay soo dhoweynta wanaagsan iyo wada shaqaynta lagu qaabilay kulamadii ay yeesheen oo dhan.










