Wasiirkii hore ee Wasaardda Awqaafta iyo arimaha Diinta xukuumadda Soomaaliya Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in shacabka Muqdisho ay wajahayaan caburin xoogan iyo xarigg.
Waxa uu sheegay in Saldhigyada Ciidan ee Muqdisho ay ku xiran yihiin shacab xaq darro lagu heysto,sido kale waxa uu sheegay in ciidanka dowladda ay bilaabeen in shacabka ay kala baxaan guryahooda.
Mas’uuliyiinta dowladda ayuu ugu baaqay inay baaraan dhitaada ciidanka ay ku hayaan shacabka,waxaana Cumar Cali uu kamid ahaa xubno dhawaan loo xiray cabshada dhulka ee ka taagan xaafadda Siinaay.










