• Advertise
  • About
  • Contact
Somali Cable TV
Your browser does not support the video tag.
Your browser does not support the video tag.
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
LIVE
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
No Result
View All Result
Somali Cable TV
LIVE
Home maqaalo

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa | Maqaal |

Somali Cable TV by Somali Cable TV
October 20, 2025
in maqaalo
0
Tiigsigii wuu taabbo-galayaa | Maqaal |
0
SHARES
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Waddada Dimuquraaddiyadda.

waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda Muqdisho isku diiwaangalisay in ay codeeyaan inka badan 50 Sano ka dib.

Waa natiijada dadaal dheer oo jid adag loosoo maray, kaas oo talada loogu celinayo gacmaha Dadwaynaha oo ay ugu danbaysay in ay Codkooda ku go’aamiyaan Madaxdooda 1969-kii.

In milyan Dagan Muqdisho isku diiwaangaliyaan in ay codkooda ku doortaan Madaxdooda kuma imaan si sahal ah, waxeey leedahay micno ka duwan waxkasta oo kale oo ka dhacay Dalka.

  1. Inta aanan eegin farriimaha ay dirayso guushaani, waxaan tilmaan yar ka bixinayaa tusaalooyinka mudan wax ku miisaamista ee lasoo maray si loosoo gaaro natiijada lasoo bandhigay.

Shan talaabo oo ay qaadday Dawladdu si shaqadaani u qabsoonto aan tilmaamo.

1- heshiiska Siyaasadeed ee Doorasho toos ah.

Isaga oo xafiiska jooga wax ka yar Bil ayuu bilaabay Madaxwayne Dr Xasan Shiikh Maxamuud in uu Dawlad-goboleedyada kala heshiiyo nidaamka Doorasho ee uu farayo Dastuurku kuna caddaa balanqaadkiisii Siyaasadeed ee Doorashada si la mid ah Musharaxiintii kale ee 2022. Toban Shir oo uu u qabtay Golaha wadatashiga Qaran wuxuu wadada u xaaray in si siman ay is diiwaangalintu uga bilaabato inta badan Dalka, waa talaabada koowaad ee mudan in taariikhdu meel dhigto,

2- dhamaystirka Sharciyada ay u baahanayd Doorashada Toosan.

Xukuumadda Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo hirgalinaysa Siyaasadda Madaxwaynaha, ayaa diyaarisay ka dibna marisay dhamaan jaranjarooyinka Sharci ee ay ku ansaxayaan Sharciyadu, dabcan iyada oo ka faaiidaysanaysa heshiiska Siyaasiga ah, taas ayaa sabab u noqotay in la galo Doorasho toosan oo leh sal Sharci oo dhamaystiran kuna qotonta Dastuurka,

3- dhismaha Hay’adaha fulinaya Doorashada.

Markii la xaqiijiyay labada qodob ee sare, markale waxaa loo guntaday sidii loo dhisilahaa Hay’adihii hirgalinlahaa Doorashada toosan ee Sharcigu jideeyay si waafaqsan Sharciga iyo Heshiisyada Siyaasadda, juhdi iyo dedaal adag ka dib markale xukuumaddu waxa ay salka u dhigtay Guddiyo haysta awood sharci oo dhamaystiran waana kuwa ugu danbayn galabta soo bandhigay natiijada diiwaangalintii ugu horaysay ee ay fuliyeen.

4- sugista Amniga.

Shaqooyinka aan sare ku xusay, waxaa dhinac socday Dagaal adag oo Dawladdu u gashay in la wiiqo awoodaha carqaladaynkara Amniga Doorashooyinka kuwaas oo ay ugu wayntahay Khawaarijta, ku xigo hubka Sharci darrada ah, lagu daray Tuugada iyo Dambiilyaasha abaabulan, juhdigaas ayaa keenay in Milyan Qof ay si nabadgalyo ah safaf ugu galaan dhamaan degmooyinka Caasimadda muddo ku dhaw Shan Bil oo Allaah fadligiisa aanu dhicin xitaa hal shil oo Amni darro ah.

5- Diyaarinta baahiyaha Agab ee Doorashada.

Si loo fuliyo shaqada Doorashada oo ay diiwaangalintu ugu horayso, waxaa qasab ah in la helo lana daboolo dhamaan baahida Qalab, Xafiis, Shaqaale, Gaadiid iyo adeegyada kale ee la midka ah taas oo u baahnayd Dhaqaale aad u badan, nasiib wanaag, Dawladdu iyada oo isku tashanaysa waxa ay guddiga Doorashooyinka u fududaysay kana dabooshay dhamaan baahiyihii ay qabeen ee dhanka tasiilaadka taas oo keentay in ay si guul leh u gaaraan natiijada Galabta ay soo bandhigeen.

Isku gaynta hawlaha qabsoomay ee aan ku xusay Qormadaan, waxeey run u badaleen Riyo soo taagnayd tan iyo Dawladdii Carta lagusoo dhisay oo waajibka dhamaan Dawladihii kala danbeeyay ay ahayd in ay halkaan Dalka soo gaarsiiyaan balse nasiibka iyo dedaalku ku caawiyay Madaxda Qaranka ee Maanta in ay wadada ku ridaan xaajada.

Qiimaha ay tani ku fadhiso waa mid ka sal balaaran dan Qof iyo Koox, waa tallaabo inoo dhawaynaysa Dawlad sharciyad ka haysata Dadkeeda, waa xaalad ka jawaabaysa himilada Ubadkeenna, sidaas awgeed, waxaan soo jeedinayaa sadex fariin.

1- Masuuliyiinta diidan.

Tani hubaal haddii aanay Maanta idinka farxin barri ayay idinka farxindoontaa, waad ogtihiin in ay tahay jid lagu qasbanyahay, nin unbaana marinlahaa jidkaan adag, haddii Madaxda Maanta joogta ay hiigsigaas albaabkiisa riixeen, dhinacyada la qabta adinka oo filanaya in aad noqonkartaan kuwa miraha gurta.

2- SHacabka.

Muwaadin, tani waa xaqiiqo dhab ah oo dawaynaysa xanuunka Qaran-jabka ee dhamaanteen aan la taahaynay mudada dheer, adiga oo aan ku eegin, aragti Qof, Koox, Qabiil iyo deegaan gaar ah, u arag Mustaqbalkaaga iyo kan Ubadkaaga oo gacantaada soo galaya, sidaas awgeed wixii aad ku darto ha ahaadaan mid horay u wadaysa oo aan dib inoo celinaynin.

Gunaanad, shaki malaha in aynaan Maanta filanaynin wixii ugu wanaagsanaa, shaki malaha in cillado jirikaraan, shaki malaha in aanay naga wada farxindoonin, balse mid kale oo aan shaki lahayn ayaa ah in aanu jirin Khiyaar kale oo ka wanaagsan oo aan ku badalano, waxaan kale oo shaki lahayn in ay tani inoo jiidayso jihada guusha insha allaah.

W/Q: Wasiir kuxigeen Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala)

Previous Post

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aaga Ganacsiga xorta ah ee Qaarada Afrika.

Next Post

Taliye Odawaa oo lahadlay Shacabka Awdhiigle.

Somali Cable TV

Somali Cable TV

Next Post
Taliye Odawaa oo lahadlay Shacabka Awdhiigle.

Taliye Odawaa oo lahadlay Shacabka Awdhiigle.

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISMENT

  • 23.9k Followers
  • 99 Subscribers
  • Trending
  • Latest
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka.

October 12, 2025
UNDP and Hormuud Salaam Foundation launch partnership to create jobs in Somalia’s green and blue economy.

UNDP and Hormuud Salaam Foundation launch partnership to create jobs in Somalia’s green and blue economy.

November 12, 2025
Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho.

Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho.

October 15, 2025
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jiray Iskuulka Hoose, dhexe iyo Sare ee Waxara-Cadde.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jiray Iskuulka Hoose, dhexe iyo Sare ee Waxara-Cadde.

October 12, 2025
Heegan la galiyay adeega Gurmadka degdega ee Gobolka Banaadir

Heegan la galiyay adeega Gurmadka degdega ee Gobolka Banaadir

December 24, 2025
Baarlamaanka Soomaaliya oo dood ka yeeshay miisaaniyada 2026

Baarlamaanka Soomaaliya oo dood ka yeeshay miisaaniyada 2026

December 22, 2025
Miisaaniyada maamulka Gobolka Banaadir oo la ansixiyay

Miisaaniyada maamulka Gobolka Banaadir oo la ansixiyay

December 22, 2025
Sheekh Shariif oo magaalada Kismaayo kula kulmay Dhalinyaro

Sheekh Shariif oo magaalada Kismaayo kula kulmay Dhalinyaro

December 21, 2025

Wararkii ugu danbeyay

Follow Us

Browse by Category

  • Arr. Bulshada
  • Blog
  • Cayaaraha
  • Ganacsiga
  • maqaalo
  • Teknogiyada
  • wararka caalamka
  • wararka gudaha

Recent News

Heegan la galiyay adeega Gurmadka degdega ee Gobolka Banaadir

Heegan la galiyay adeega Gurmadka degdega ee Gobolka Banaadir

December 24, 2025
Baarlamaanka Soomaaliya oo dood ka yeeshay miisaaniyada 2026

Baarlamaanka Soomaaliya oo dood ka yeeshay miisaaniyada 2026

December 22, 2025
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable