Trump ayaa amar ku bixiyay in si buuxda loo xannibo dhammaan maraakiibta shidaalka ee la cunaqabateeyay ee gala ama ka baxa Venezuela. Qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada, Trump wuxuu sheegay in xukuumadda Nicolás Maduro loo aqoonsaday urur argagixiso oo ajnabi ah, isagoo ku eedeeyay xatooyo hanti Mareykan ah, tahriibin daroogo, iyo ka ganacsiga dadka.
Trump ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay tahay mid amni iyo cadaadis siyaasadeed lagu saarayo Venezuela, si loo joojiyo waxa uu ku tilmaamay khataro ka imanaya dowladda Venezuela. Hadalkan ayaa imanaya toddobaad kaddib markii Mareykanku uu qabtay markab shidaal oo marayay xeebaha Venezuela.
Dhankeeda, dowladda Venezuela ayaa si adag u cambaareysay go’aankaas, iyadoo ku tilmaantay “hanjabaad dagaal” iyo ku xadgudub sharciga caalamiga ah. Sidoo kale dowladda Venezuela waxay sheegtay in safiirkeeda Qaramada Midoobay uu arrintan u gudbin doono golayaasha caalamiga ah, isla markaana ay diyaar u yihiin difaaca dalka, shacabka iyo hay’adaha amniga.










