Warar kala duwan ayaa soo baxaya oo la xiriira Safarkii baaqday ee Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ee ku wajahanaa magaalada Baydhabo.
Waxaa soo baxay in la baajiyay safar ay qorsheynayeen Siyaasiin waa weyn sida Madaxweynihii hore Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Maxamed Mursal Gudoomiyihii hore ee Baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku baxday khilaafka Siyaasiyiintan oo gacansaar la leh dowladda iyo hogaanka maamulka Koonfur Galbeed.
Kulan ayaa ka dhacay Madaxtooyada Qaranka kulankaas oo diirada lagu saaray in mucaaradka ay is dajiyaan,dhinaca Kalena madaxtooyada ay la xiriireyso Madaxweyne Lafta gareen si loo ogolaado dhaqdhaqaaqa mucaaradka koonfur Galbeed.










