• Advertise
  • About
  • Contact
Somali Cable TV
Your browser does not support the video tag.
Your browser does not support the video tag.
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
LIVE
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
No Result
View All Result
Somali Cable TV
LIVE
Home wararka caalamka

Xog sir ah: Imaaraadka Carabta oo Bosaaso ka wado Howlgal Qarsoon oo lagu Taageerayo Dagaalka Suudaan.

Somali Cable TV by Somali Cable TV
November 1, 2025
in wararka caalamka
0
Xog sir ah: Imaaraadka Carabta oo Bosaaso ka wado Howlgal Qarsoon oo lagu Taageerayo Dagaalka Suudaan.
0
SHARES
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Warbixin cusub oo uu daabacay Middle East Eye ayaa shaacisay in Imaaraadka Carabta uu si qarsoodi ah uga wado magaalada Bosaaso ee Puntland hawlgallo milatari oo lagu taageerayo ciidanka RSF ee dagaalka kula jira dowladda Suudaan.

Warbixinta ayaa muujinaysa in Bosaaso ay noqotay xarun muhiim ah oo lagu kala gudbiyo hub, saanad culus, iyo dagaalyahanno ajnabi ah oo lagu daabulayo gudaha Suudaan.

Xogta la helay ayaa muujineysa in muddo labo sano ah garoonka diyaaradaha Bosaaso ay si joogto ah uga soo degayeen diyaarado waa weyn oo Imaaraadku leeyahay, kuwaas oo sida agab culus iyo saanad aan la shaacin.

Saraakiil ka tirsan Puntland Maritime Police Force (PMPF) ayaa sheegay in qalabkaas aan la siin ciidanka deegaanka, balse si toos ah loogu raro diyaarado kale oo u gudba dhinaca Suudaan.

Warbixinta ayaa sheegtay in Imaaraadku uu sidoo kale ka soo dajiyay dekedda Bosaaso in ka badan 500,000 konteenar oo aan la ogeyn waxa Kujira.

Konteenaradaas ayaa si degdeg ah looga dajiyaa dekedda, loona raro garoonka diyaaradaha, iyadoo aan lahayn dukumeenti muujinaya halka ay ku socdaan.

Warbixintu waxay sidoo kale daaha ka rogtay in Bosaaso lagu arkay dagaalyahanno Kolombiya u dhashay, kuwaas oo Imaaraadku keenay, ka hor inta aan loo gudbin gudaha Suudaan.

Sawirro la helay ayaa muujinaya askar Kolombiyaan ah oo ka soo degaya diyaarado ganacsi ah, kuna sii jeeda xero ku taalla waqooyiga garoonka.

Saraakiil PMPF ah ayaa xaqiijiyay in ay dhisteen isbitaal milatari oo lagu daaweeyo askarta dhaawacan ee ka imaanaysa dagaalka Suudaan.

Dhinaca kale, Imaaraadku wuxuu garoonka Bosaaso ka dhisay nidaam radar ciidan ah oo la sheegay inuu yahay nooca Faransiiska, kaasoo lagu ilaaliyo duulimaadyada iyo hawlgallada sirta ah ee halkaas ka socda.

Saraakiil ku sugan Bosaaso ayaa sheegay inay ka baqayaan in garoonka uu noqdo bartilmaameed suurtagal ah oo ay weeraraan ciidamada dowladda Suudaan.

Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer xiriir dhaqaale iyo ciidan la lahaa dowladda Soomaaliya, balse xiriirkaas ayaa mugdi galay kadib markii Imaaraadku uu bilaabay inuu taageero maamul goboleedyada sida Puntland iyo Somaliland.

Khabiirka Geeska Afrika, Martin Plaut, ayaa sheegay in Imaaraadku uu Puntland u adeegsado sidii xarun ammaan ah oo aan si dhow loo kormeerin, si uu u fuliya dano istiraatiiji ah oo ku saabsan dahabka Suudaan iyo saameynta gobolka.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ayaa sheegtay inay jiraan dembiyo dagaal iyo xasuuqyo laga geystay gudaha Suudaan, taasoo su’aal gelinaysa cid kasta oo si dadban u taageerta RSF.

Saraakiil ka tirsan PMPF ayaa sheegay inay dareemayaan in hawlgallada Imaaraadka ee Bosaso ay yihiin kuwo moral ahaan khaldan, maadaama Suudaan ay hore u siisay fursado waxbarasho iyo taageero shacabka Soomaaliyeed.

Dhowr askari oo ka tirsan ciidamada badda Puntland ayaa qirtay inaysan ku faraxsanayn inay la shaqeeyaan ajaanibka ku lugta leh dagaalka Suudaan, iyagoo ka baqaya in shaqadooda ay si dadban u taageerto xasuuq ka dhan ah waddan ay u arkaan inay saaxiib dhow yihiin.

“Waxaan rumaysanahay inay tahay wax aan damiir ahaan la aqbali karin in la caawiyo calooshood u shaqeystayaasha ku hawlan la dagaalanka qaran muddo dheer taageerayey Soomaalida – oo ay ku jiraan xubnaha qoyskeyga,” ayuu yiri askariga.

Ilaa hadda, Imaaraadka Carabta iyo maamulka Puntland kama aysan hadlin eedeymahan culus.

Warbixintan oo ay baahisay warbaahinta Middle East Eye, waxay daaha ka qaaday su’aalo culus oo ku saabsan doorka Imaaraadka Carabta ee dagaalka Suudaan, iyo sida Bosaso ay u noqotay xarun sir ah oo lagu maamulo dagaal kale oo ka socda dal kale.

Previous Post

Xubin Sare oo ka tirsanaa Kooxda AS oo lagu dilay degmada Mahadaay.

Next Post

Tirada dadka ku dhintay Qaza oo sii kordheysa

Somali Cable TV

Somali Cable TV

Next Post
Tirada dadka ku dhintay Qaza oo sii kordheysa

Tirada dadka ku dhintay Qaza oo sii kordheysa

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISMENT

  • 23.9k Followers
  • 99 Subscribers
  • Trending
  • Latest
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka.

October 12, 2025
UNDP and Hormuud Salaam Foundation launch partnership to create jobs in Somalia’s green and blue economy.

UNDP and Hormuud Salaam Foundation launch partnership to create jobs in Somalia’s green and blue economy.

November 12, 2025
Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho.

Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho.

October 15, 2025

Telcom giant Hormuud accuses Kenyan forces of destroying Telecom infrastructure in Southern Somalia

January 20, 2026
Hormuud Salaam Foundation Provides Financial Assistance to Maama Ugaaso Foundation and SWDC

Hormuud Salaam Foundation Provides Financial Assistance to Maama Ugaaso Foundation and SWDC

February 22, 2026
Donald Trump oo dabacsanaan ka muujiyay arrinta Nukliyeerka Iran

Donald Trump oo dabacsanaan ka muujiyay arrinta Nukliyeerka Iran

February 22, 2026
Kulanka labaad ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka.

Kulanka labaad ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka.

February 22, 2026
Baarlamaanka oo bilaabay Dooda Cutubka 9-aad ee Dastuurka.

Baarlamaanka oo bilaabay Dooda Cutubka 9-aad ee Dastuurka.

February 21, 2026

Wararkii ugu danbeyay

Follow Us

Browse by Category

  • Arr. Bulshada
  • Blog
  • Cayaaraha
  • Ganacsiga
  • maqaalo
  • Teknogiyada
  • wararka caalamka
  • wararka gudaha

Recent News

Hormuud Salaam Foundation Provides Financial Assistance to Maama Ugaaso Foundation and SWDC

Hormuud Salaam Foundation Provides Financial Assistance to Maama Ugaaso Foundation and SWDC

February 22, 2026
Donald Trump oo dabacsanaan ka muujiyay arrinta Nukliyeerka Iran

Donald Trump oo dabacsanaan ka muujiyay arrinta Nukliyeerka Iran

February 22, 2026
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable