Wasiirka wasaaradda Gaashandhiga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay nidaamka E-Visa oo ay soo kordhisay dowladda Soomaaliya iyo xog ku saabsan xubno ka tirsan Kooxda Daacish oo la helay.
Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in la helay xogta Shaqsiyaad wata Baasabooro Carbeed oo u gudbayay dhanka Puntland.
Ajaanibtan ayey dowladda sheegtay inay ka tirsan yihiin Kooxda Daacish,waxaan dhaqdhaqaaqooda Safarka lagu ogaaday nidaamka E-visa oo ay soo kordhisay dowladda Soomaaliya.










