• Advertise
  • About
  • Contact
Somali Cable TV
Your browser does not support the video tag.
Your browser does not support the video tag.
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
LIVE
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
No Result
View All Result
Somali Cable TV
LIVE
Home wararka gudaha

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyey Shirka Nabadda iyo Horumarka Afrika.

Somali Cable TV by Somali Cable TV
October 19, 2025
in wararka gudaha
0
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyey Shirka Nabadda iyo Horumarka Afrika.
0
SHARES
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay Shirka 5-aad ee Nabadda iyo Horumarka Afrika oo lagu qabtay magaalada Aswan ee dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, kaas oo cinwaankiisu yahay “Awoodda Afrika ee Horumarka iyo Isbeddelka Adduunka Casriga ah” ayaa sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay waddada horumar waara, iyada oo ka gudubtay dhibaatooyinkii amni, dhaqaale iyo siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay guulaha la taaban karo ee dowladdu gaartay, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Dib-u-dhiska dowladnimada iyo hay’adaha Qaranka,

Deyn cafinta, kor u qaadista xiriirka Soomaaliya la leedahay waddamada gobolka iyo caalamka, Qaadista cunaqabateyntii hubka ee saarneyd dalka muddada dheer, iyo Amni oo hormar ballaaran laga gaaray gaar ahaana dhankan la dagaallanka kooxaha AS.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale soo bandhigay Hannaanka Qaran ee Isbeddelka 2025–2030, oo ah qorshe diiradda saaraya lix tiir oo waaweyn:

Sida Dib-u-dhiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha,Kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka,Horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka, Amniga cuntada iyo horumarinta beeraha, ilaalinta deegaanka iyo horumarinta tamarta nadiifta ah, Daahfurnaanta maamulka iyo hufnaan dowladeed oo dhab ah.

“Soomaaliya maanta waa dal kasoo baxay colaado iyo burbur, kuna socdo dhabbihii horumar iyo barwaaqo waarta, iyadoo aan cidna laga reebaynin dadaallada qaran ee lagu dhisayo mustaqbal mideysan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Masar doorkeeda joogtada ah ee ay ku taageerto Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, dib-u-dhiska iyo iskaashiga, isagoo xusay in xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo sii xoogeysanaya.

Previous Post

Barnaamijka Dhaqaalaha loo dhanyahay ee Barxnaano oo lasoo bandhigay

Next Post

Maxaa looga hadlay kulan Golaha Wasiirrada Hirshabeelle?

Somali Cable TV

Somali Cable TV

Next Post
Maxaa looga hadlay kulan Golaha Wasiirrada Hirshabeelle?

Maxaa looga hadlay kulan Golaha Wasiirrada Hirshabeelle?

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISMENT

  • 23.9k Followers
  • 99 Subscribers
  • Trending
  • Latest
Guiding Somalia’s Youth to Real Opportunities

Guiding Somalia’s Youth to Real Opportunities

May 3, 2026
Waalid ahaan, su’aal kastaa waa su’aal wanaagsan

Waalid ahaan, su’aal kastaa waa su’aal wanaagsan

May 13, 2026
Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 13, 2026
Fursad Cusub: Somnet Telecom oo soo Kordhisay ‘Adeegga Mudnaan’

Fursad Cusub: Somnet Telecom oo soo Kordhisay ‘Adeegga Mudnaan’

April 21, 2026
Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

May 25, 2026
Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

May 25, 2026
Puntland oo Xasan Sheekh u aqoonsatay Madaxweyne hore

Puntland oo Xasan Sheekh u aqoonsatay Madaxweyne hore

May 21, 2026
Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 13, 2026

Wararkii ugu danbeyay

Follow Us

Browse by Category

  • advertise
  • Arr. Bulshada
  • Blog
  • Cayaaraha
  • Ganacsiga
  • maqaalo
  • Teknogiyada
  • wararka caalamka
  • wararka gudaha

Recent News

Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

May 25, 2026
Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

May 25, 2026
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable