Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta Dowladda Imaaraadka Carabta ka guddoomay laba gaari oo dab-damis ah oo casri ah, kuwaas oo gacan ka gaysanaya gurmadka dabka dhismayaasha dhaadheer ka kaca.
Deeqdan ayaa qayb ka ah iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana ay ka dhalatay wadahadallo dhowaan uu Duqa Caasimadda la yeeshay Danjiraha Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, H.E. Ahmed Juma Mohamed Al Remeithi, oo diiradda lagu saaray kor-u-qaadista adeegyada bulshada, gaar ahaan dab-damiska iyo nadaafadda magaalada Muqdisho.
Munaasabadda lagu wareejinayay gaadiidka dab-damiska waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), iyo mas’uuliyiin kale oo heerar kala duwan oo ka kala socday Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.













