Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa sannadkii 5ᵃᵃᵈ oo xiriir ah taabbagelisay, munaasabad ka dhacday magaalada London oo abaalmarinno lagu guddoonsiiyay ardayda sannadkan 2025 ka qalinjabisay, kaalmaha horena ka gashay Jaamacadaha dalka Ingriiska.
Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay Danjiraha Soomaaliya ee Ingiriiska Cabdulqaadir Cabdi Xaashi, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka deegaanka Kensington iyo Bayswater, ahna Xoghayaha Gaarka ah ee Baarlamaanka, Joe Powell, Duqa Degmada Boqortooyada Kensington iyo Chelsea, Tom Bennett, Hoggaamiyaha Xildhibaanada Xisbiga Shaqaalaha ee Degmada Kensington iyo Chelsea, Kasim Ali, James Small-Edwards oo ah xubin ka tirsan Golaha London, iyo masuuliyiin sare oo ka socotay shirkada Hormuud.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ingiriiska ayaa abaalmarin mahadnaq ah guddoonsiisay Hormuud Telecom, waxayna ku bogaadiyeen kaalinta taabbagelineed ee shirkaddu ka qaadatay munaasabadaan iyo sida ay Hormuud Telecom u dhiirrigeliso guulaha dhallinyarada Soomaaliyeed, una taageerto horumarkooda meel kasta oo ay ka joogaan caalamka.














