Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay in deegaanada maamulkaas ay ka jirto abaaro saameysay dadka iyo duunyada.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo xubno ka tirsan maamulka ayaa si wadajir ah u qabtay Shir jaraaid, iyagoo soo bandhigay saameynta abaarta ku dhafatay Gobolada Mudug,Nugaal Sool, iyo dhamaan deegaanada Puntland.
Mas’uuliyiinta Puntland waxa ay sheegeen in boqolaal qof ay ku jiraan xaalad cuno yari, abaartana ayaa saameysay Hal-Milyan oo qof oo ku nool deegaanada maamulkaasi.










