Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu.
Ra’iisul Wasaaraha oo sii wada hawlaha isku duwista ka jawaabista xaaladaha bini’aadanimo ee dalka ka taagan, jadwalkiisa qaabilista danjirayaasha adduunkana uu xiriirsanyahay, ayaa safiirka Shiinaha uga warbixiyay xaaladda dalka ee dhanka Amniga sida weyn wax looga qabtay, mashaariicda horumarineed ee dalka ka socota, iyo ugu dambayn arrimaha abaaraha.
Mudane Xamsa ayaa safiirka uga mahadceliyay kaalinta isgarab-taagga ah ee dowladda Shiinaha had iyo goor ay la barbar taagantahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo xusey mashaariicda iyo arrimaha gargaarka ee Shiinaha ka fuliyay dalka, gaar ahaan gargaarkii la geeyay gobolka Awdal.
Danjiraha Shiinaha Mudane Wang Yu ayaa dhankiisa sheegay in uu ku faraxsanyahay kalsoonida dowladda Soomaaliya u muujisay Shiinaha, isaga oo ku celiyay sida ay u adkaynayaan xiriirka dhinacyada badan ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.












