• Advertise
  • About
  • Contact
Somali Cable TV
Your browser does not support the video tag.
Your browser does not support the video tag.
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
LIVE
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
No Result
View All Result
Somali Cable TV
LIVE
Home wararka gudaha

Sharciga Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed oo la ansixiyay.

Somali Cable TV by Somali Cable TV
December 8, 2025
in wararka gudaha
0
Sharciga Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed oo la ansixiyay.
0
SHARES
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 19-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horreyn Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo kulanka furay ayaa kulanka ka Akhriyey baaq nabadeed oo uu guddoonka Golaha Shacabka u diray shacabka Gobolka Awdal gaar ahaan dhacdadii ka dhacday Magaaladda Boorama.

Intaasi ka dib Guddoomiye kuxgeenka guddiga Guddiga miisaaniyadda, maaliyadda, qorsheynta, iskaasviga caalamiga ah iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Haaruun ayaa kulanka golaha ka akhriyey soo jeedin ku saabsan ku waafaqid madaxweynaha Jamhuuriyadda ee ku saabsan wax ka bedelka Hindise Sharciyeedka Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed, waxaana Xildhibaanadda Golaha Shacabka oo cod u qaaday ogolaatay 140-Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday, sidoo kale afar Xildhibaan ayaa ka aamustay.

Dhinaca kale mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Akhrinta koowaad marsiiyey Hindise Sharcigeedka Dembiyada Seybarka Soomaaliya oo ay soo diyaarisay wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Maadaama Hindise sharciyeedkan uu maray Akhrinta koowaad kama furneyn wax dood ah, sidaas daraadeed qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa mas’uuliyiinta wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada weydiiyey su’aalo ku qotoma mabaadii’da guud iyo saameynta miisaaniyadeed ee Hindise Sharciyeedkan.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga Warfaafinta, Wacyi gelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka inuu soo diyaariyo Akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka islamarkaana dib golaha ugu soo celiyo si looga doodo.

Previous Post

Raiisul Wasaare Xamsa oo qaabilay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Next Post

“Bulshada rayidka waa laf-dhabarta dowlad-dhiska dalka”

Somali Cable TV

Somali Cable TV

Next Post
“Bulshada rayidka waa laf-dhabarta dowlad-dhiska dalka”

"Bulshada rayidka waa laf-dhabarta dowlad-dhiska dalka"

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISMENT

  • 24k Followers
  • 99 Subscribers
  • Trending
  • Latest
Guiding Somalia’s Youth to Real Opportunities

Guiding Somalia’s Youth to Real Opportunities

May 3, 2026
Waalid ahaan, su’aal kastaa waa su’aal wanaagsan

Waalid ahaan, su’aal kastaa waa su’aal wanaagsan

May 13, 2026
Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 13, 2026
Fursad Cusub: Somnet Telecom oo soo Kordhisay ‘Adeegga Mudnaan’

Fursad Cusub: Somnet Telecom oo soo Kordhisay ‘Adeegga Mudnaan’

April 21, 2026
Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

May 25, 2026
Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

May 25, 2026
Puntland oo Xasan Sheekh u aqoonsatay Madaxweyne hore

Puntland oo Xasan Sheekh u aqoonsatay Madaxweyne hore

May 21, 2026
Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 13, 2026

Wararkii ugu danbeyay

Follow Us

Browse by Category

  • advertise
  • Arr. Bulshada
  • Blog
  • Cayaaraha
  • Ganacsiga
  • maqaalo
  • Teknogiyada
  • wararka caalamka
  • wararka gudaha

Recent News

Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

May 25, 2026
Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

May 25, 2026
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable