Nairobi, Kenya – 28 Sebtembar 2026: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka 29-aad ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika.
Kulanka waxaa ka soo qeybgalay qaar ka mid ah Wasiirrada dalalka ku bahoobay madasha, wakiillo ka socday dowladaha deeq-bixiyeyaasha iyo hay’adaha caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, IGAD iyo Midowga Yurub.
Shirka oo ahaa kulan hal maalin ah ayaa diiradda lagu saaray horumarinta is-dhexgalka gobolka, xoojinta iskaashiga iyo maalgelinta mudnaanta dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika.Waxaa si gaar ah xoogga loo saaray horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan korontada, biyaha iyo waddooyinka isku xira dalalka ku bahoobay madashaan.
Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale lagu ansixiyay qorshe-hawleedka horumarinta ganacsiga Geeska Afrika, kaas oo ay hore u diyaariyeen Wasiirrada Ganacsiga ee dalalka ku bahoobay Hindisaha Geeska Afrika. Qorshaha ayaa ka dhashay kulankii Wasiirrada Ganacsiga ee Madashani oo bishii Agoosto 2026 lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa uga mahadceliyay dowladaha ku mideysan Madasha Hindisaha Geeska Afrika iyo saaxiibada caalamiga ah taageerada muhiimka si joogto ah u siiya hindisahan, gaar ahaan kaalintooda ku aaddan horumarinta, iskaashiga iyo maalgelinta mashaariicda muhiimka u ah dalalka Geeska Afrika.
Kulanka 29-aad ee HoAI ayaa sidoo kale xoojiyay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolka iyo saaxiibadooda caalamiga ah ay sii xoojiyaan iskaashiga, si loo dardargeliyo mashaariicda gobolka iyo horumarinta fursadaha dhaqaale ee Geeska Afrika.
















