Arbacadii shalay 30-September 2026 waxaa mar qura doorashooyin toos ah laga qabtay deegaano ka tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug, magaalooyinka ugu waa weyn ee labadaa maamul ayaa si weyn looga dareemay doorashada sida Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Jowhar iyo Baladweyne.
Doorashada waa laba nooc mid golaha deegaanka iyo Golaha Wakiilada ee labada maamul, Guddiga doorashada ayaa la filayaa inay soo saaraan natiijada doorashada laga qabtay Galmudug iyo Hirshabeelle.










