• Advertise
  • About
  • Contact
Somali Cable TV
Your browser does not support the video tag.
Your browser does not support the video tag.
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
LIVE
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
No Result
View All Result
Somali Cable TV
LIVE
Home wararka gudaha

Guddoomiye Jaamac oo Shir Gudoomiyay Kulanka Guddonka Baarlamaanada Bulshada Bariga Afrika.

Somali Cable TV by Somali Cable TV
October 3, 2026
in wararka gudaha
0
Guddoomiye Jaamac oo Shir Gudoomiyay Kulanka Guddonka Baarlamaanada Bulshada Bariga Afrika.
0
SHARES
4
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Bulshada Bariga Afrika Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa shir guddoomiyey kulanka 21-aad ee Guddoonka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC) kaas oo lagu qabtay magaalada Arusha ee Dalka Tanzania.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga baarlamaannada, horumarinta diblomaasiyadda baarlamaaniga ah, is-weydaarsiga khibradaha, iyo xaqiijinta in is-dhexgalka Bariga Afrika uu shucuubta Bariga Afrika u horseedo faa’iidooyin la taaban karo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xubnaha kale ee kulanka ka qeyb galay la wadaagay horumarka uu sameeyey Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dowlad-dhiska, dhameystirka iyo ansixinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, amniga iyo sarreynta sharciga, maamulka maaliyadda guud iyo sidoo kale horumarinta dhaqaalaha, isagoo tilmaamay in Golaha Shacabka uu ansixiyey in ka badan 56 sharci iyo 18 qaraar.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa tilmaamay in himilada Golaha Shacabka ay tahay in si buuxda uu u guto waajibaadka dastuuriga ah ee saaran, gaar ahaan sharci-dejinta iyo korjoogteynta, inuu u adeego danaha Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana uu gacan ka geysto xoojinta iskaashiga iyo is-dhexgalka Bulshada Bariga Afrika.

Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa carabka ku adkeeyey in mustaqbalka Bulshada Bariga Afrika uu ku tiirsan yahay iskaashi xooggan, hay’ado adkaysi leh iyo baarlamaanno si wax-ku-ool ah uga shaqeeya danaha iyo himilooyinka shucuubtooda, sidoo kalena Soomaaliya ay ka go’antahay inay kaalinteeda si buuxda uga qaadato sidii loo xaqiijin lahaa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in iyadoo arrimahaasi laga duulayo Soomaaliya ay ku faraxsan tahay inay xaqiijiso diyaar-garowgeeda ku aaddan martigelinta Kulanka 22-aad ee Guddoonka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo lagu qaban doono Caasimadda Dalka ee Muqdisho dhammaadka bisha Janaayo ee sanadka 2027.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho lagu soo dhoweeyo Guddoonka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika, si loo xoojiyo dadaalada wadajirka ah ee ku aaddan dhismaha Bulshada Bariga Afrika oo mideysan, barwaaqo ah, kuna naaloota nabad waarta.

Previous Post

Guddiga doorashada Qaran oo ku howlan natiijada doorashooyinkii ka dhacay Galmudug iyo Hirshabeelle.

Next Post

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay doorashooyinkii laga qabtay Hirshabeelle iyo Galmudug.

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISMENT

  • 24k Followers
  • 99 Subscribers
  • Trending
  • Latest
Guiding Somalia’s Youth to Real Opportunities

Guiding Somalia’s Youth to Real Opportunities

May 3, 2026
Waalid ahaan, su’aal kastaa waa su’aal wanaagsan

Waalid ahaan, su’aal kastaa waa su’aal wanaagsan

May 13, 2026
Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 13, 2026
Fursad Cusub: Somnet Telecom oo soo Kordhisay ‘Adeegga Mudnaan’

Fursad Cusub: Somnet Telecom oo soo Kordhisay ‘Adeegga Mudnaan’

April 21, 2026
Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeedo Koonfur Galbeed.

Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeedo Koonfur Galbeed.

October 19, 2026
Maxey ka wada hadleen Gudoomiye Jaamac iyo Hogaamiye Aadan Madoobe?

Maxey ka wada hadleen Gudoomiye Jaamac iyo Hogaamiye Aadan Madoobe?

October 17, 2026
Sheekh Shariif oo Go’aan kasoo saaray jadwalka cusub ee Doorashada

Sheekh Shariif oo Go’aan kasoo saaray jadwalka cusub ee Doorashada

October 15, 2026
Xafiiska Raisul Wasaare Xamsa oo soo dhaweeyay jadwalka doorashada heer Federal

Xafiiska Raisul Wasaare Xamsa oo soo dhaweeyay jadwalka doorashada heer Federal

October 15, 2026

Wararkii ugu danbeyay

Follow Us

Browse by Category

  • advertise
  • Arr. Bulshada
  • Blog
  • Cayaaraha
  • Ganacsiga
  • maqaalo
  • Teknogiyada
  • wararka caalamka
  • wararka gudaha

Recent News

Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeedo Koonfur Galbeed.

Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeedo Koonfur Galbeed.

October 19, 2026
Maxey ka wada hadleen Gudoomiye Jaamac iyo Hogaamiye Aadan Madoobe?

Maxey ka wada hadleen Gudoomiye Jaamac iyo Hogaamiye Aadan Madoobe?

October 17, 2026
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable