Waxaan si xooggan u cambaaraynaynaa go’aanka goonni qaadashada ah ee uu ku dhawaaqay guddiga doorashada halka dhinac ah ee uu samaystay Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud.
Hannaanka is-doorashada ee uu qaatay Madaxweynweynaha muddo xileedkiisa dhammaday, waxa ay halis gelinaysaa dowladnimada iyo mustaqbalka dalka, waxa ayna horseedaysaa doorashooyin isbarbar socda iyo dagaallo sokeeye oo dalka ku baaha.
Maadaama aan lagu go’aamin karin hannaan hal dhinac ah iyo rabitaanka shakhsiyadeed masiirka siyaasadeed ee dalka iyo mustaqbalka dowladnimada, waxaan ku baaqaynaa in la sii ambaqado wadahadalladii socday, lana qabto doorasho loo dhan yahay oo degdeg ah.
Qorshaha Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaday ee ku saabsan qabashada doorasho aan heshiis lagu aheyn, talana aysan ku lahayn Dowlad Goboleedyada iyo mucaaradka siyaasadeed ee dalku waxa uu muujinayaa siyaasadda kali-talisnimada ah iyo ku tumashada dastuurka ee Xasan Sheekh uu ku doonayo in uu ku boobo xukunka dalka, si lamid ah kuwii uu ka qabtay qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyadda oo horseeday dagaallo sokooye.
Madaxda iyo masuuliyiintii hore ee dalka, Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada iyo dhammaan dhinacyada siyaasadeed waxaan ku adkaynaynaa in ay wadajir ugu istaagaan hirgelinta doorasho hufan oo loo dhan yahay, dalkana ka samatabixisa marxaladda adag ee aynu ku jirno.
Waxaan dowladaha aan saaxiibka nahay iyo beesha caalamka ku boorrinaynaa in ay kaalin wax ku ool ah ka qaataan xal u helidda khilaafaadka doorashooyinka, ayna sii wadaan doorkoodii dhexdhexaadineed ee qabsoomidda doorasho mideysan, daah-furan oo loo dhanyahay”
Madaxweyne hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo











