Shariif Sheekh Axmad Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya tan iyo 4-tii Juun ee 2026 in Xukuumadda ay waddo abaabul dagaal oo dhan ah Mucaaradka.
11-bishan October Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA waxa ay sheegtay Ilaalada Shariif Sheekh Axmad in ay is hor istaag ku sameeyeen howlgal ciidamada ilaalada Shacabka ay kawadeen Xaafadda Tiitiinley ee Degmada Wadajir oo ay Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay ugu yeertay Maleeshiyaad ka amar qaata Shariif Sheekh Axmad.
Madaxweyne Sheekh Shariif oo isla maalintaa soo saaray Warsaxaafadeed waxa uu beeniyay Sheegashada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA waxa uu sheegay in ilaaladiisa ay ka tirsan yihiin Ciidanka Qaranka.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Axamad Macallin Fiqi ayaa waxa uu bartiisa Facebook uu ku qoray marna Ciidanka Dawladda weerar ku qaadin Mucaaradka taa badal keedana Mucaaradka ay weerarka soo qaada yeen.
Marka laga yimaad xabadda yaa bilaabay, Guruaha Mucaaradka waxaa ku hareereeysan Ciidanka Dawladda.
Hayeeshee khilaafka u dhexeeya Mucaaradka iyo Dawladda waxa uu salka ku hayaa arrimaha Doorashooyinka.
Mucaaradka waxa ay qabaan in marxaladaan looga gudbi karo doorashooyin loo dhan yahay.
Villa Somalia waxa ay wadaa doorasho hal dhinac ah oo ay ka qabatay Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabelle iyo Gobolka Banaadir.
Sheekh Shariif Sheekh Axmad waxa uu sheegay shirarkii loo balansanaa bishaan October in looga hadlo doorashooyinka in Dawladda dib u dhac ku sameysay.










