• Advertise
  • About
  • Contact
Somali Cable TV
Your browser does not support the video tag.
Your browser does not support the video tag.
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
LIVE
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
No Result
View All Result
Somali Cable TV
LIVE
Home wararka caalamka

Trump iyo El-Sisi oo Guddoomineya berri Shir Caalami ah oo Lagu Xallinayo Dagaalka Qasa.

Somali Cable TV by Somali Cable TV
October 12, 2025
in wararka caalamka
0
Trump iyo El-Sisi oo Guddoomineya berri Shir Caalami ah oo Lagu Xallinayo Dagaalka Qasa.
0
SHARES
4
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa lagu wadaa inay Isniinta guddoomiyaan shir caalami ah oo ka dhici doona magaalada Sharm el-Sheikh, kaas oo looga hadlayo soo afjaridda dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Qasa. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay in shirka ay ka qeybgelayaan madax ka socota in ka badan 20 dal, iyadoo ujeeddadu tahay in la helo xal waara oo nabadeed iyo xasillooni lagu soo dabaalo Bariga Dhexe.

Shirka ayaa imanaya iyadoo xabbad-joojin ay Maraykanku dhexdhexaadiyeen ay weli ka jirto Qasa, taas oo keentay in kumannaan Falastiiniyiin ah ay ku laabtaan guryahoodii burburay. Ciidanka Israa’iil ayaa dib u gurasho sameeyay, halka maamulka Qasa uu sheegay in in ka badan 5,000 hawlood oo samata-bixin iyo dib u dhis ah la qabtay tan iyo markii dagaalka la joojiyay, inkastoo go’doominta Israa’iil ay weli taagan tahay.

Hay’adaha gargaarka ayaa ugu baaqay Israa’iil inay furto isgoysyada si caawimaad loo gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan gudaha Qasa. 

Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ayaa sheegtay inay diyaar u tahay dib u furista 145 xarumood oo cunto qeybin ah, balse ay sugeyso oggolaansho ay Israel bixiso. Mas’uul ka tirsan WFP ayaa sheegay in xaaladda hadda ay u baahan tahay in la hirgeliyo isla habraacyadii gargaarka ee la adeegsaday xabbad-joojintii hore ee Janaayo.

Dhanka kale, heshiiska xabbad-joojinta ayaa dhigaya in 20 maxbuus Israa’iili ah iyo meydadka 28 kale lagu soo celinayo, iyadoo Israa’iil ay sii deyn doonto ilaa 2,000 oo Falastiiniyiin ah oo ay u xirto dagaalka labadii sano ee la soo dhaafay. 

Magaaladda Tel Aviv, kumannaan qof ayaa isugu soo baxay fagaare weyn, halkaas oo ay si diirran ugu mahadceliyeen Trump iyo ergadiisa, iyagoo ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu dagaalka u adeegsaday dano siyaasadeed.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jiray Iskuulka Hoose, dhexe iyo Sare ee Waxara-Cadde.

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka.

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISMENT

  • 23.9k Followers
  • 99 Subscribers
  • Trending
  • Latest
Guiding Somalia’s Youth to Real Opportunities

Guiding Somalia’s Youth to Real Opportunities

May 3, 2026
Waalid ahaan, su’aal kastaa waa su’aal wanaagsan

Waalid ahaan, su’aal kastaa waa su’aal wanaagsan

May 13, 2026
Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 13, 2026
Fursad Cusub: Somnet Telecom oo soo Kordhisay ‘Adeegga Mudnaan’

Fursad Cusub: Somnet Telecom oo soo Kordhisay ‘Adeegga Mudnaan’

April 21, 2026
Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

May 25, 2026
Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

May 25, 2026
Puntland oo Xasan Sheekh u aqoonsatay Madaxweyne hore

Puntland oo Xasan Sheekh u aqoonsatay Madaxweyne hore

May 21, 2026
Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 13, 2026

Wararkii ugu danbeyay

Follow Us

Browse by Category

  • advertise
  • Arr. Bulshada
  • Blog
  • Cayaaraha
  • Ganacsiga
  • maqaalo
  • Teknogiyada
  • wararka caalamka
  • wararka gudaha

Recent News

Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

Maxey ka wada hadleen Ururada Bulshada Rayidka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

May 25, 2026
Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

Kulanka Guddiga Xuquuq Insaanka iyo hay’adaha Garsoorka dalka

May 25, 2026
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable