Ugu yaraan afar qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen kadib markii labo doon oo ay saarnaayeen ku dhowaad 100 tahriibayaal ah ay ku degeen xeebaha dalka Libya, sida ay sheegeen hay’adaha gurmadka.
Dhimashada la xaqiijiyay waxay dhammaantood ka mid ahaayeen rakaab Bangladeshi ah oo ku safrayay mid ka mid ah doomahaasi.
Doonta labaad oo waday ku dhowaad 70 qof oo u badan muwaadiniin ka soo jeeda Sudan ayaa sidoo kale degtay, hase ahaatee wali lama caddeyn tirada dhimashada doontaas.
Labadan doonyood ayaa isticmaalayay marin-biyoodka Mediterranean-ka dhexe oo ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay “marinka ugu halista badan ee socdaalka aduunka.”
Hay’adda Libyan Red Crescent ayaa shaacisay sawirro muujinaya shaqaalahooda oo gargaar siinaya dadka ka badbaaday, halka meelo kale lagu arkayay bacaha madow ee meydadka,Doonyaha ayaa ka baxay magaalada dekedda ah ee Al Khums ee waqooyi-galbeed Libya.
In ka badan 1,500 qof ayaa lagu sheegay inay ku dhinteen ama la la’yahay sannadkan 2025 iyaga oo isku dayay inay ku gudbaan badda Mediterranean-ka, ayna ku dhawaad saddex meelood meel dhimashadan ay ka dhaceen xeebaha Libya. Libya ayaa weli ah goobta ugu badan ee dadka tahriibayaashu ka ambabaxaan iyagoo ku wajahan Yurub.
Dhacdadan waxay imaaneysaa iyadoo dhowaan boqolaal tahriibayaal kale la soo sheegay inay maqan yihiin kadib markii doontoodii ay ku degtay badda.
Dalal ay ka mid yihiin UK, Spain, Norway iyo Sierra Leone ayaa toddobaadkan ku cadaadiyay Libya inay xiraan xabsiyada ay ku jiraan tahriibayaasha, kuwaas oo lagu eedeeyo jirdil, tacaddi iyo dilal sharci darro ah, sida lagu sheegay shir ka dhacay magaalada Geneva.










