Kulanka Golaha Shacabka ayaa laga yeeriyey liiska magacyada Xildhibaanada ka maqan kulanka Golaha gaar ahaan kuwa fasaxa rasmiga ah heysta iyo kuwa fasax la’aanta uga maqan.
Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa akhrinta labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, waxaana warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Golaha u faahfaahiyey Xildhibaan Maxamed Ibraahim Mucalimow oo ka mid ah Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka, iyadoo xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka doodeen qodobada hindise sharciyeedka iyo muhiimada uu dalka u leeyahay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiga ku shaqada leh Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya inuu ku soo daro dooda iyo aragtiyada Xildhibaanada islamarkaana akhrintiisa sedaxaad Golaha dib ugu soo celiyo.












