Raisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo isniintii ka qeybgalay gogosha heshiiskii beelo ku dagaalamay degmooyin dhaca Galgaduud ayaa ka hadlay fulinta heshiiska.
Raisul Wasaaraha waxa uu sheegay in Xukuumadda ay fulineyso heshiiska, qofkii qof dilana dowladda ay soo qabaneyso kuna fulineyso sharciga.
Heshiiska ayaa dhigaya in qofkii qof dila la dilayo, waxaana la sheegay in leysku raacay fulinta qodobka Dilka ah.










