• Advertise
  • About
  • Contact
Somali Cable TV
Your browser does not support the video tag.
Your browser does not support the video tag.
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
LIVE
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
No Result
View All Result
Somali Cable TV
LIVE
Home maqaalo

Qormada Fahad Yaasiin: Bayaan ku socdo Madaxweyne Xasan iyo Taliskiisa

Somali Cable TV by Somali Cable TV
September 27, 2026
in maqaalo
0
Qormada Fahad Yaasiin: Bayaan ku socdo Madaxweyne Xasan iyo Taliskiisa
0
SHARES
5
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Waxaan si adag u cambaaraynayaa go’aanka lagu dhimay xuquuqdii dhaqaale ee hawlgabka, ciidamada naafada ku noqday difaaca dalka iyo qoysaska shuhadada Ciidamada Qalabka sida ee naftooda u huray Qaranka.

Arrintani maanta ma bilaaban. Muddooyinkii hore waxaa jiray cabashooyin iyo walaac la xiriira qaabka loola dhaqmayey qaybo ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ugu nugul ee ku tiirsan daryeelka Qaranka: 𝐪𝐨𝐲𝐬𝐚𝐬𝐤𝐚 𝐬𝐡𝐮𝐡𝐚𝐝𝐚𝐝𝐚, 𝐜𝐢𝐢𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐧𝐚𝐚𝐟𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐡 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐚𝐰𝐥𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚. Haddii maanta xuquuqdoodii dhaqaale lagu sii sameeyo dhimis, waxay sii xoojinaysaa dareenka ah in kuwii Qaranka u huray naftooda, lixaadkooda iyo cimrigooda lagu hayo dayacaad iyo cadaadis halkii ay ka heli lahaayeen ilaalin iyo maamuus qaran.

Waxaa arrinta sii culaysinaya in Dowladda Federaalka ay sannadkan soo saartay 𝐗𝐞𝐞𝐫 𝐋𝐫. 𝟏𝟗𝟖 𝐞𝐞 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐀𝐠𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐡𝐮𝐡𝐚𝐝𝐚𝐝𝐚, 𝐍𝐚𝐚𝐟𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐰𝐥𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝, halka xeerarka dowladda ay Wasaaradda Gaashaandhigga ku waajibinayaan korjoogtaynta barnaamijyada daryeelka xubnaha ciidanka iyo daryeelka naafada, qoysaska iyo shuhadada. Sidaas darteed, tallaabo kasta oo xuquuqdan lagu dhimayo waa in lagu saleeyaa sharci cad, hannaan hufan iyo isla-xisaabtan.

Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo taliskiisa si cad uga dalbanayaa inay shacabka iyo Ciidanka u soo bandhigaan 𝐬𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢 𝐞𝐞 𝐠𝐨’𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚𝐧, 𝐜𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐲, 𝐚𝐰𝐨𝐨𝐝𝐝𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐟𝐮𝐥𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐚𝐛𝐚𝐛𝐭𝐚 𝐜𝐮𝐥𝐚𝐲𝐬𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐞 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐚𝐡𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐧𝐮𝐠𝐮𝐥 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚.

Haddii aan la soo bandhigin saldhig sharci oo cad, waxaa jira su’aalo culus oo ku saabsan waafaqsanaanta tallaabadan xeerarka iyo nidaamyada loogu talagalay ilaalinta xuquuqda shuhadada, naafada iyo hawlgabka. 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐥𝐚𝐠𝐚𝐦𝐚 𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐨 𝐢𝐧𝐮𝐮 𝐱𝐮𝐪𝐮𝐮𝐪 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐦𝐢𝐝 𝐪𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐥𝐞𝐡 𝐮𝐥𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐦𝐨 𝐬𝐢𝐝𝐢𝐢 𝐠𝐮𝐧𝐧𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐫 𝐥𝐚 𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧 𝐤𝐚𝐫𝐨, 𝐦𝐚𝐫𝐧𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐨.

Markii aan maqlay go’aankan, ma aanan filayn in hoggaan Soomaaliyeed uu gaari karo tallaabo culayskeeda dhaqaale lagu saarayo dadka ugu mudan in Qaranku garab istaago; agoonta shuhadada, xaasaskooda, naafada dagaalka iyo halyeeyadii cimrigooda ku bixiyay difaaca Soomaaliya.

In maanta laga jaro ama laga dhimo biilka qoysaskii ay ka tageen askartii Qaranka u dhimatay ma aha oo keliya go’aan dhaqaale. Waa tallaabo dhaawacaysa karaamada shuhadada, xuquuqda naafada, iyo kalsoonida ciidanka maanta hubka u sita difaaca Qaranka.

Shuhadadu Qaranka waxba kama aysan reeban; waxay siiyeen wixii ugu qaalisanaa ee bani’aadam leeyahay—naftooda. Naafadu waxay lixaadkooda iyo caafimaadkooda ku waayeen difaaca calanka iyo shacabka Soomaaliyeed. Carruurtooda iyo xaasaskooda looma samafalayo; 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐥𝐞𝐞𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐱𝐚𝐪 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐦𝐮𝐭𝐚𝐲𝐬𝐭𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐢𝐠 𝐢𝐲𝐨 𝐧𝐚𝐟-𝐡𝐮𝐫𝐧𝐢𝐦𝐨.

𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐭𝐚𝐥𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐬𝐢 𝐜𝐚𝐝 𝐮 𝐰𝐞𝐲𝐝𝐢𝐢𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚:

Sidee askariga maanta jiidda hore jooga looga filayaa inuu naftiisa u huro Qaranka, haddii faririnta loo dirayo ay tahay in marka uu shahiido ama naafoobo laga dhimi doono biilka carruurtiisa iyo qoyskiisa?

Ciidanka waxaa lagu dhisaa kalsooni. Askarigu waa inuu ogaadaa in Qaranka uu maanta difaacayo uu berri ilaalin doono qoyskiisa haddii uu ku shahiido gudashada waajibaadkiisa. Haddii kalsoonidaas la burburiyo, waxaa dhaawacmaya mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee uu ku dhisan yahay Ciidanka Qaranku.

Sidaas darteed, waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha iyo taliskiisa:

𝐈𝐧 𝐬𝐢 𝐝𝐞𝐠𝐝𝐞𝐠 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐚𝐚𝐧 𝐬𝐡𝐮𝐫𝐮𝐮𝐝 𝐥𝐚𝐡𝐚𝐲𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐜𝐞𝐥𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐮𝐪𝐮𝐮𝐪 𝐤𝐚𝐬𝐭𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐚𝐦𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐦𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐮𝐡𝐚𝐝𝐚𝐝𝐚, 𝐧𝐚𝐚𝐟𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐚𝐰𝐥𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝, 𝐥𝐚𝐧𝐚 𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐱𝐮𝐪𝐮𝐮𝐪𝐝𝐢𝐢 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐞 𝐞𝐞 𝐪𝐨𝐲𝐬𝐚𝐬𝐤𝐨𝐨𝐝𝐚.

Miisaaniyad la hagaajinayo lagama bilaabi karo agoonta askartii dalka u dhimatay. Dhaqaale la badbaadinayana lagama raadin karo qoysaska kuwii naftooda ku bixiyey badbaadinta Qaranka.

Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa hay’adaha sharci-dejinta, garsoorka iyo kuwa kale ee ay khusayso inay hubiyaan saldhigga sharci ee go’aankan, isla markaana la xaqiijiyo in xuquuqda shuhadada, naafada iyo hawlgabku aysan mar dambe ugu xirnaan go’aan maamul oo keliya.

𝐒𝐡𝐮𝐡𝐚𝐝𝐚𝐝𝐮 𝐜𝐨𝐝 𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐝𝐢𝐟𝐚𝐚𝐜𝐚𝐚𝐧 𝐦𝐚 𝐥𝐚𝐡𝐚; 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐚𝐲 𝐮 𝐝𝐡𝐢𝐧𝐭𝐞𝐞𝐧 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐰𝐚𝐚𝐣𝐢𝐛 𝐤𝐮 𝐚𝐡 𝐢𝐧𝐮𝐮 𝐜𝐨𝐝𝐤𝐨𝐨𝐝𝐚 𝐧𝐨𝐪𝐝𝐨, 𝐚𝐠𝐨𝐨𝐧𝐭𝐨𝐨𝐝𝐮𝐧𝐚 𝐦𝐚 𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐛𝐨 𝐝𝐡𝐢𝐦𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐡𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚.

Ilaalinta qoysaska shuhadada iyo naafada Ciidanku waa ilaalinta sharafta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxaana waajib qaran ah in askari kasta oo maanta difaacaya Soomaaliya uu hubiyo hal arrin: 𝐡𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝐮𝐮 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐮 𝐬𝐡𝐚𝐡𝐢𝐢𝐝𝐨, 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢𝐬𝐮 𝐮𝐮𝐬𝐚𝐧 𝐤𝐚 𝐭𝐞𝐠𝐢 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐢𝐧 𝐜𝐚𝐫𝐫𝐮𝐮𝐫𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚.

Wabillaahi towfiiq

Previous Post

Maxey ka wada hadleen Gudoomiye Jaamac iyo Safiirka dowladda Qatar?

Next Post

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛

Somali Cable TV

Somali Cable TV

Next Post
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISMENT

  • 24k Followers
  • 99 Subscribers
  • Trending
  • Latest
Guiding Somalia’s Youth to Real Opportunities

Guiding Somalia’s Youth to Real Opportunities

May 3, 2026
Waalid ahaan, su’aal kastaa waa su’aal wanaagsan

Waalid ahaan, su’aal kastaa waa su’aal wanaagsan

May 13, 2026
Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo Shuruud hor dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 13, 2026
Fursad Cusub: Somnet Telecom oo soo Kordhisay ‘Adeegga Mudnaan’

Fursad Cusub: Somnet Telecom oo soo Kordhisay ‘Adeegga Mudnaan’

April 21, 2026
Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeedo Koonfur Galbeed.

Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeedo Koonfur Galbeed.

October 19, 2026
Maxey ka wada hadleen Gudoomiye Jaamac iyo Hogaamiye Aadan Madoobe?

Maxey ka wada hadleen Gudoomiye Jaamac iyo Hogaamiye Aadan Madoobe?

October 17, 2026
Sheekh Shariif oo Go’aan kasoo saaray jadwalka cusub ee Doorashada

Sheekh Shariif oo Go’aan kasoo saaray jadwalka cusub ee Doorashada

October 15, 2026
Xafiiska Raisul Wasaare Xamsa oo soo dhaweeyay jadwalka doorashada heer Federal

Xafiiska Raisul Wasaare Xamsa oo soo dhaweeyay jadwalka doorashada heer Federal

October 15, 2026

Wararkii ugu danbeyay

Follow Us

Browse by Category

  • advertise
  • Arr. Bulshada
  • Blog
  • Cayaaraha
  • Ganacsiga
  • maqaalo
  • Teknogiyada
  • wararka caalamka
  • wararka gudaha

Recent News

Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeedo Koonfur Galbeed.

Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeedo Koonfur Galbeed.

October 19, 2026
Maxey ka wada hadleen Gudoomiye Jaamac iyo Hogaamiye Aadan Madoobe?

Maxey ka wada hadleen Gudoomiye Jaamac iyo Hogaamiye Aadan Madoobe?

October 17, 2026
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaalo
  • Diini
  • Ganacsiga
  • Teknogiyada
  • Barnaamijyada
    • Cayaaraha
    • Arr. Bulshada
  • Advertise
  • About
  • Contact

© 2025 SomaliCable