Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu dhaarinayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Xasan Cabdi Maxamed
Munaasabadda dhaarinta oo ka dhacday Aqalka madaxtooyada ayaa waxaa sido kale ka qeybgalay gudoomiyaha maxkamada sare, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda koonfur galbeed iyo mas’uuliyiin kale.
Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi hogaamiyaha ku meel-gaarka ah dowladda koonfur galbeed ayaa hambalyo u diray wasiirka cusub, isagoo ku adkeeyay inuu dardargeliyo howlaha shaqo ee wasaarada.












