Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Isniinta maanta ah guddoomiyey kulan lagu ansixinayay miisaaniyadda sanadka 2026 ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin sare iyo daneeyayaal kala duwan, ayaa si rasmi ah loogu ansixiyey miisaaniyad dhan $63,845,852.99 (Saddex iyo lixdan milyan, sideed boqol afartan iyo shan kun, sideed boqol konton iyo laba doolar iyo sagaashan iyo sagaal senti), taas oo loo qorsheeyey hirgelinta barnaamijyo horumarineed oo wax-ku-ool ah, kuwaas oo diiradda saaraya baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada ku dhaqan caasimadda.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeennada Maamulka iyo Maaliyadda, Hawlaha Guud, Arrimaha Bulshada, Xoghayaha Guud, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, xubno ka socday Wasaaradda Maaliyadda, Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir. Kulanka ansixinta miisaaniyadda oo ay xaadireen 46 xubnood, ayaa waxaa ansixinta oggolaaday 45, halka hal xubin ay diidday.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ee miisaaniyadda sanadka cusub la siinayo dhismaha kaabayaasha bulshada, oo ay ka mid yihiin waddooyinka, biyo-mareennada, adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo guud ahaan daryeelka bulshada, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo nolol ka wanaagsan tan hadda jirta.











