Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo xiray Dufcaddii 12-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo la baray Xeerka ciqaabta , xuquuqda aadanaha, xirfado kala duwan oo caafimaadka iyo isgaarsiinta ka mid tahay, cilad bixinta hubka , iyo xeeladaha dagaalka ee tabaha kala duwan ah.
Raโiisul Wasaaraha, oo ay wehlinayeen Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidanka ku bogaadiyey dadaalka iyo adkaysiga ay muujiyeen muddadii ay ku jireen tababarka, isaga oo kula dardaarmay in aqoonta iyo xirfadaha ay barteen ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed iyo difaaca dalkooda.
















