Xildhibaan Aadan Lafta Gareen oo la dhashay Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa la hadlay Warbaahinta isagoo ku sugan Muqdisho, Xildhibaan Aadan waxa uu ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay magaalda Baydhabo oo ay weerarka soo qaadeen Garabka Lafta Gareen.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ay dagaalamayaan lana dagaalamayaan Ciidanka Federalka iyo kuwa Aadan Madoobe.
Xildhibaan Aadan waxa uu difaacay qadiyada uu ku dagaalamo Cabdicasiis Lafta Gareen, isagoo u arka in maamulka Sharciga uu yahay kan Lafta Gareen.










