Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa ku wadajirka ah ee shanaad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde.
Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee Xisaab-xirka sanad miisaaniyadeedkii 2025, waxaana warbixinta Akhrinta labaad ee xisaabxirka sanad miisaaniyadeedkii 2024 mudanayaasha labada Aqal la wadaagay Guddoomiyaha Guddiga miisaaniyadda, maaliyadda, qorsheynta, iskaashiga caalamiga ah iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan).
Intaasi ka dib Xildhibaano ka tirsan mudanayaasha labada Aqal ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay Akhrinta labaad ee warbixinta miisaaniyad sanadeedkii 2024, iyadoo sidoo kale su’aalo ka weydiiyey wasiirka wasaaradda maaliyadda Mudane Biixi Iimaan Cige oo kulanka joogay.
Intaasi ka dib Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiyada maaliyadda ee Baarlamaanka laabdiisa Aqal in ay kusoo daraan doodaha iyo aragtiyada Xildhibaanadda oo ay soo diyaariyaan Akhrinta sedaxaad dibna golaha ugu soo celiyaan si Akhrinta sedaxaad loo marsiiyo.










